Wararkii Wargeyska Ogaal
Somaliland intee in le’eg ayay ku qaadan kartaa Aqoonsi-raadintu?
Sudan oo shuruud ku xidhay Aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland hesho.
"Midowga Afrikaba waxa wax lagu maamulaa qawaaniinta ururka u yaala, laakiin Somaliland..”Wasiirka Arrimaha dibedda Sudan
“Somaliland waxcay fure u noqon kartaa xalka arrimaha ka taagan Soomaaliya”
Addis-Ababa, 3 Jan, 2010 (Ogaal)-Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Sudan Deng Alor ayaa sheegay in walaaca badan ee ay Afrika ka qabto xasilooni darada ka taagan dalka Soomaaliya ay horseedi karto in loo jeesto Somaliland oo labaatankii sannadood ee u dambeeyay uu ka jiray xasilooni iyo nabadgeliyo.
Wasiir Deng, oo shalay xarunta Midowga Afrika ugu waramay saxafiyiin reer Somaliland ah oo shirkaas ka qayb galaya, waxa uu ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, mustaqbalka Somaliland iyo weliba doorashooyinka soo socda ee la filayo inay dhawaan ka dhacaan koonfurta dalka Sudan oo uu isagu ka soo jeedo, "Jiilal badan ayaynu ku weynay Soomaaliya, waana masuuliyadda hoggaamiyayaasha Afrika inay talaabo adag ka qaadaan sidii Soomaaliya loogu soo celin lahaa kala dambayntii." ayuu yidhi Wasiirku, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas raaciyay, "Meel kasta oo qaaradda ah waxa ka jira walaac Soomaaliya ah, tallaabadii laga qaadi lahaana wada hadal ayaa ka socda. Markaas walbahaarka Soomaaliya ee meel kasta laga ogyahay werwerkiisu saamayn weyn ayuu ku leeyahay haddii ay tahay Hargeysa, Muqdisho iyo meel kasta. Hargeysa [Somaliland] had iyo jeer waa nabadgeliyo, waxa ka jirta Somaliland xasilooni iyo ammaan rejo gelinaya dadka, laakiin sidaas oo kale waa laga hirgelin karaa Muqdishana."
Dalka Sudan ayaa xubin firfircoon ka ah Urur-gobolleedka IGAD ee Afrika iyo sidoo kale Midowga Afrika oo isna xubin ka yahay.
Mar la weydiiyay in Somaliland ay fure u noqon karto dhibaatada Soomaaliya ka taagan, waxa uu yidhi, "Haa, run ahaantii waxa ka dhacaya Somaliland way kaga dayan karaan Soomaaliya, xaqiiqdiina taasi waa ta rajada gelisay dadka, sababtoo ah haddi ay taasi Somaliland ka jirto, maxay Soomaaliyana uga hirgeli weyday."
Mar la weydiiyay sababta ay Afrika uga dhego adaygayso qaddiyadda aqoonsiga Somaliland oo ah dal labaatanki sannadood ee u dambeeyay u halgamayay ictiraaf uu ka helo bulshada caalamka, waxa uu shuruud uga dhigay in ay Somaliland iyo Soomaaliya ka wada-hadlaan arrintaas, waxanu yidhi, "Horta Afrika iyo Midowga Afrikaba waxa wax lagu maamulaa qawaaniinta ururka u yaala, dadkuna way qabaan dareenka Somaliland, aakhirkana waxay noqon doontaa in la eego Somaliland. Dadka reer Somaliland waxay la soo dagaalamayeen aqoonsi siyasadeed la'aan, laakiin waxa sidaas kula shaqaynayay gobalka, AFrika iyo beesha caalamka, islamarkaana sumcad wanaagsan ayay gobalka ku dhex yeesheen. Balse aqoonsigu wuxuu muhiim ku yahay inay dadku kula shaqeeyaan. Arrinta aqoonsiga Somaliland cidina ma doonayso inay ka hadasho Soomaaliya kala qaybsan, balse taasi waxay ku xidhantahay uun go'aan Soomaaliya iyo Somaliland ka wada gaadhaan arrintaas, waana markaas marka cid kastaanba aqoonsanayso Somaliland."
Wasiirka Arrimaha dibadda Sudan oo la weydiiyay mudada uu filayo inuu aqoonsiga Somaliland baadi goobkiisu qaadan karo, waxa uu yidhi, "Sidaan hore u sheegay aqoonsiga siyaasadeed waa taageero, laakin aqoonsiga aan rasmiga ahayni waa sida ay Somaliland kula shaqayso dalalka gobalka iyo beesha caaalamka, waana aqoonsi aan rasmi ahayn oo muujinaya in bulshadan [Somaliland] ay dhab ka tahay qaddiyadoodu, islamarkaana ay tahay in la caawiyo. Ma sheegi karno mudada ay qaadanayso, laakiin waxay ku xidhantahay uun hadba siday noqoto xaaladda Soomaaliya, sababtoo ah xataa xaaladaha Soomaaliya saamayn bay ku leeyihin Somaliland."
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dalka Sudan, waxa kale oo uu fikir xaqiqo ahayn ku tilmaamayn hadal uu Madaxweynaha Liibiya Qaddaafi ka sheegay shirjaraa'id oo uu qabtay, kaas oo ahaa in haddii ay xiitaa dadka koonfurta Sudan u codeeyaan inay ka go'aan Sudan uu dagaal dhex mari doono dadka koonfurta Sudan. "Maya, wax jira maaha." ayuu yidhi Wasiirku.
Ma ballan-qaadyadiisii hore ee is biirsaday baa baajiyay?
Madaxweyne Rayaale oo ka muquurtay xuska 16aad ee aasaaska Ciidanka Qaranka
“Waxa dhici karta in rag ay Hagar-daamo iyo lugooyo la dhex joogeen halganka” Wasiirka Madaxtooyada
Hargeysa 03, Feb.2010 (Ogaal)- Munaasibad lagu xusayay sannad-guurada 16aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka qaranka, ayaa shalay lagu qabtay qabtat taliska guud ee Ciidanka ee magaalada Hargeysa.
Xafladdaas oo sannadkan lagu maamuusay miiqaam ka hooseeyay sidii hore loogu xusi jiray, waxa ka baaqday Madaxweyne Rayaale oo la filayay inuu ka qaybgalo. Taas bedelkeeda, waxa ka qaybgalay Wasiirka Madaxtooyada oo sida uu sheegay metelayay Madaxweynaha, guddoomiyaha Baanka dhexe, Wasiir kuxigeenada Gaashaandhiga iyo Warfaafinta, hoggaanka Ciidanka qaranka iyo martisharaf kale. “Marka aynu Somaliland ka hadlayno waqtigii aynu gobonimada helnay 1960-kii waxaynu lahaan jiray Ciidan, wuxuuna ciidankaasi baaba’ay markii gobanimadeenii baaba’day. Munaasibadan aynu xusaynaa waxa weeye, la soo noqoshadii gobonimadeenii ayuu la aasaasmay, Ciidankan hadda jooga waxa la aasaasay 2-dii bishii Feebarwari 1994-kii. Sidaad ogtihiin dawladi ma dhismi karto, haddii aanu jirin ciidan amnigeeda ilaaliya. In la isu keeno ciidan beeleedyadii wadooyinka kala duwan joogay ma sahlanayn, midayntaasna dad badan ayaa ku dhintay marxalad adagna way ahayd. Waxa lagu guulaystay in 500 ee ugu horreeyey ciidanka qaranka oo ka kooban beelaha Somaliland in la isu keeno, waxaana sidaa lagu aasaasay guutooyinkii koowaad iyo labaad. Labadaa guuto gundhig ayay u noqdeen ciidanka qaranka muddadii intaa ka dambaysay ciidanka qaranku wuu soo kobcayay tiro iyo tayaba waxaanu yeeshay wixii ciidan qaran oo rasmiyi lahaa oo dhan,” sidaa waxa yidhi Taliyaha guud ee ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani.
Taliyuhu waxa uu sheegay in ciidanka qaranku dalka ka soo samato-bixiyeen duruufo badan oo dalka soo maray, kuwaasoo uu xusay inay ka mid ahaayeen doorashooyinkii kala duwanaa iyo adkaynta nabadgelyada. “Ciidanka Qaranku wuxuu sugay xuduudaha dalka, markii ciidamada qaranka la qarameeyay waxa loo baahday in la tayeeyo, waxaana la sameeyay afar dugsi tababar oo kala ah Sheekh, Darar-weyne, Gorayo-Cawl iyo Biyo-guduud. Dugsiyadaa ayaa dhiboo lagu galiyay ciidamadii si loo tayeeyo awoodooda ciidanimo. Intaa ka dib waxa ciidamada qaranku laga bilaabo 2004 hawlgalo badan ka sameeyeen gobolada Barriga, gaar ahaan qabashadii Laascaanood. Goobaha aynu gaadhnay ee diiwaangelintiina laga hirgeliyay waxa ka mid ah Xudun, Baraago-qol iyo Xiin-galool. Toddobaadkii ina dhaafay waxa ciidamada qaranku ay tageen Tuko-raq iyo Holhol oo aad ogtihiin intay u jiraan Garoowe,” ayuu yidhi Mr. Nuux Ismaaciil Taani. Wuxuuna balanqaaday in Ciidanku intii awoodooda ah ay sugi doonaan soohdimada iyo amaanka dalka.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Difaaca Somaliland Axmed Maxamed (Filanwaa) oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu Ciidanka ku hambalyeeyay sannad-guurada 16aad ee aasaaskooda. “Ciidankeenu wuxuu muujiyay anshax iyo kala dambayn lagu majeeran karo heerka maanta uu marayaana maaha meel qarsoon. Cadowgeena ayaa ka marag kacay tayada ciidankeena,” sidaana waxa yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Axmed Xassan Ducaale oo sheegay inuu soo wakiishay Madaxweyne Rayaale. “Ciidankeenu sharaf ayay naga mudan yihiin, dalkana sharaf ayay u soo hooyeen,” ayuu raaciyay. “Halgankii dheeraa ee aynu ku guulaysanay ninba meel ayuu kaga jiray, waxa laga yaabaa nin ku faanaya oo dhex joogay goobtii dagaalka - waxa dhici kara in nin dibada joogay uga badsaday, wali lama xisaabtamin halgankaas. Ninba wixii uu taray, haddii dib loo xisaabtamo waxa dhici karta rag ay ku soo baxayso iyagoo halganka dhex joogay inay hagardaamo iyo lugooyo la dhex joogeen, mar uun baana la xisaabtami doonaa oo taariikhdu siday tahay loo qori doonaa. Halgankii aynu soo galay waynu ku guulaysanay, hase yeeshee weli ma dhammaan, gobonimadii waynu helnay, balse ictiraaf wali maynaan helin. Waxa loo baahan yahay in qalbiga lagu hayo inaanu wali halganku dhammaan,” ayuu raaciyay Wasiirku. Wuxuuna intaa ku daray; “Anagoo Ciidamadeena ku kalsoon, waxa loo baahan yahay in marka cadowgaagu kordhaba ay feejignaantaadu korodho.”
Dhinaca kale, ma cadda sababta keentay in Madaxweyne Rayaale ka muquurto ka qaybgalka xuska Ciidanka qaranka oo lagu waday inuu ka qaybgalo. Taas bedelkeeda, waxa uu Madaxweyne Rayaale dhambaal qoraal ah oo hal sader ka kooban u diray Ciidanka qaranka iyo xaasaskooda.
Sida lagu sheegay qoraalkaas kooban ee Madaxtooyadu soosaartay, Madaxweyne Rayaale waxa uu Ciidanka qaranka ku amaanay sugida amniga dalka, iyadoo ay mandaqada Geeska Afrika ka jiraan xaalado xasilooni daro. “Waxaan aad ugu hanweynahay kaalinta wax-ku-ool ka ah ee Ciidamada Qaranka ay ka qaateen sugida Nabadgelyo iyo xasiloonida ay Somaliland ku naaloonayso, iyadoo aan ka war hayno xasilooni-darada iyo dagaalada ka aloosan meelo badan oo ka mid ah Mandaqada aynu ku noolnahay,” ayuu Madaxweynuhu ku yidhi qoraalkaa kooban.
Qoraalka laguma sheegin sababta ka baajisay Madaxweynaha ka baajisay ka qaybgalka xuskaa. Hase yeeshee, sida muuqata waxay ka muquurashadiisu la xidhiidhaa derajo la’aanta Ciidanku ku lix iyo toban jirsadeen oo uu xusaskii dhawrkii sannadood ee u dambeeyay hortooda ka balanqaaday.
“Maamulkani waa mid tabcaan ah oo waqti koobani u hadhay, waxbana…”
Guddoomiyaha KULMIYE
“Waxaanu aaminsanahay in aanu meel dheer gaadhsiinay magaca Somaliland” Axmed-Siilaanyo
Hargeysa 03,Feb.2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Ciidamada qaranku ku lix iyo toban jirsadeen derajo la’aan.
Guddoomiyaha oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad boqolaal qof ka qaybgaleen oo loogu talogalay inuu kaga xogwaramo socdaal uu todobaadkan Maraykanka kaga soo laabtay, waxa uu sheegay in socdaalkaasi meel dheer gaadhsiiyay magaca Somaliland. “Marka u horaysa, waxaan jecelahay inaan umadda reer Somaliland uga mahadnaqo sidii qiimaha lahayd ee magaalada Hargeysa la iigu soo dhaweeyay,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu. “Maanta (shalay) oo labada bisha February ah, waa maalintii la aasaasay Ciidanka qaranka Somaliland, waxaanan jecelahay inaan hambalyo u soo jeediyo Ciidamada qaranka. Ciidamadu waa kuwo aynu ku faano, waa kuwii dalka xoreeyay, Ciidamada maanta dalka ilaalinaya, Somaliland difaaca ugu jira ee naf iyo maalba u huray, markaa waxaan u soo jeedinayaa hambalyo. Waxaan aad uga xumahay, ilaa waqtigaa aynu joogno iyo waqtigii la aasaasay oo 16 sannadood ah, inaan derajooyinkii loo baahnaa loo samayn Ciidankaa heeganka ugu jira dalka,” ayuu raaciyay.
Axmed-Siilaanyo waxa uu Illaahay ka rejeeyay inay si dhakhso ah u hirgasho derajo siinta Ciidanku, haddii ay hirgeli waydana waxa uu balanqaaday in xisbi ahaan haddii ay talada dalka qabtaan ay culayska ugu wayn saari doonaan derajada Ciidanka iyo daryeelkoodaba.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu dadweynihii munaasibadaa ka qaybgalay oo ay ku jireen Xildhibaano ka tirsan goleyaasha Baarlamaanka, xubno ka tirsan hoggaanka UCID, diblomaasiyiin ka socday Safaaradda Itoobiya ee Somaliland, ururada bulshada iyo xubno Madaxdhaqameed ahi, uu si faahfaahsan ugaga waramay socdaalkii uu ku tegay dalka Maraykanka iyo kulamo uu la yeeshay masuuliyiin ka tirsan USA iyo jaaliyaddaha dalkaas ku dhaqan.
Waxa uu sheegay in ujeedada ugu way nee socdaalkiisu ahayd sidii uu dawladda Maraykanka uga dhaadhicin lahaa qadiyadda Somaliland. “Waxyaabaha ugu waawayn ee aanu ku soo guulaysanay waxa ka mid ah; in Maraykanka oo dalka dunida ugu wayn ah aanu ka helay dad ina dhegaysa oo aanu qadiyadda Somaliland ka dhaadhicinay,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, inay Somaliland muhiim u tahay saaxiibtinimo dhow oo uu la yeesho Maraykanka, si uu gacan uga siiyo dhaqaalaha, siyaasadda iyo dhinacyada kale intaba. “Waxaanu ka dhaadhicinay in Somaliland ay tahay qaran ka madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale. Waxyaabaha kale aanu kala hadalay ee aanu ka dhaadhicinay waxa ka mid ah; mucaawimooyinka Somaliland la siinayaa inay ka duwanaadaan kuwa Soomaaliya la siinayo, isla markaana Somaliland loo arko wadan gooni ah, cagihiisa ku taagan oo u baahan in si toos ah wax loola qabto,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in dawladda Maraykanka ay xog-waran ka siiyeen geedi-socodka Dimoqraadiyadda Somaliland iyo inay gacan ka siiyaan sidii loo xoojin lahaa. “Dimoqraadiyad la’aantu waxyaabaha dalalka burburiya weeye. Haddii aynu doonayno dalka Somaliland inuu degenaanshihiisa haysto iyo xasiloonidiisa haysto oo uu jiro, waxa lagama maarmaan ah inuu mabaadida Dimoqraadiyadda ku dhaqmo oo ay aasaas u ahaado, inay noqoto wax aan mar qudha laga dayrin oo la kobciyo,” ayuu yidhi.
Waxa uu sheegay in waxyaabaha kale ee ay dawladda Maraykanka ka wadahadleen ay ka mid ahayd nabadgelyada Geeska Afrika iyo sidii Somaliland gacan looga siin lahaa. Wuxu sheegay in dawladda Maraykanka iyo hay’addaha samofalka ee uu Washington kula kula yeeshay ay balanqaadeen inay Somaliland ka taageeri doonaan doorashooyinka iyo kobcinta dhaqaalaha. “Waxaanu is leenahay xog-waran fara badan baad ka siiyeen siday Somaliland uga duwan tahay Soomaaliya inteeda kale…Waxaanu aaminsanahay in aanu maanta meel dheer gaadhsiinay magaca Somaliland, saaxiibo in aanu u samaynay baanu qabnaa oo saaxiibo waawayn oo uu u baahnaa aanu gaadhsiinay,” ayuu raaciyay Guddoomiyaha KULMIYE.
Waxa uu sheegay in su’aalaha la waydiinayay ay ugu badnaayeen arrimaha doorashada raagtay ee Madaxtooyada, wuxuuna tilmaamay in si loo hirgeliyo ay xisbi ahaan la shaqaynayaan Komishanka Doorashooyinka Somaliland. “Waxba ku dheeraan maayo hadalada qaarkood ee ka soo yeedhayay maamulka, waana maamul tabcaan oo umadda iyo dunidaba ay u muuqato, isagana ay u muuqato in waqtiga u hadhay kooban yahay, waxbana ku tiigaali mayno dambaabidhadooda iyo daalaa’dhacooda,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Xukuumadda oo ka qaylisay barnaamij cusub oo dadka lagaga ganacsanayo
Hargeysa 03, Feb.2010 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horaysay ka qaylisay hawlgalka nooc cusub oo la xidhiidha ka ganacsiga dadka.
Wasiirka Qoyska iyo arrimaha bulshada Faadumo Suudi Xassan oo shalay shirjaraa’id ku qabatay xafiiskeeda, waxay sheegtay in loo baahan yahay sidii looga hortegi lahaa barnaamijkan cusub ee ka ganacsiga dadka. “Waxaan idinku yeedhay (Suxufiyiinta) arrin khatar ah oo aan doonayo inaanu shacbiga Somaliland ka wacyigelino. Runtii way inagu cusub tahay Somaliland, hase yeeshee waxay ka dhacdaa meelaha burburka iyo dagaaladu ay ka dhaceen - arrintaasi waa ‘ka ganacsiga dadka.’ Inaga wixii dadkeenu u dhibaatoodeen waa Tahriibka oo Badda iskugu biimeeyeen, arrintan iyo Tahriibkuna way kala duwan yihiin,” ayay tidhi Marwo Faadumo Suudi Xassan. “Waxaan u mahadnaqayaa dawlada Japan oo gacan ku siisay hay’adda IOM ee caalamiga ah sidii ka ganacsiga dadka looga hortagi lahaa, dadkana shirar badan oo lagaga digayo loogu qabanayo, labadii bilood ee u dambeeyayna aad baa arrintaas looga wacyigeliyay bulshada Somaliland,” ayay raaciyay.
Wasiirka Qoyska iyo arrimaha Bulshada Somaliland, waxay faahfaahin ka bixiyay qaabka shabakadda ka ganacsiga dadka ku hawlani uga faa’iidaystaan dadkaas. “Dadku meelaha ay u tacabiraan ee ay isleeyihiin nolol ka raadsada ayaa waxa jirta dad isu tegay oo xirfad u leh sida dadka lacagta looga qaado, waxaanay ku yidhaahdeen shaqooyin ayaanu idin siinaynaa. Waxa dhacda inay siiyaan wax yar dumarka oo kale, waxay ku yidhaahdaan shaqo ayaanu idin siinaynaa, haddana wax kale lagu sameeyaa. Xamar oo kale waxa dhacday in carruur la qaatay ka dibna markii dibada la geeyey xubno jidhkooda ka mid ah lala baxay, taasina waxay ka mid tahay ka ganacsiga dadka (Human Trafficking),” ayay tidhi Marwo Faadumo Suudi.
Wasiirka Qoyska waxay sheegtay in barnaamijkan ka ganacsiga dadku uu Tahriibka ka metelo dhibka uu qofku mudanayo.
Marwo Faadumo Suudi Xassan waxay ku baaqday in Xukuumad iyo shacbi ahaanba la iska kaashado sidii looga hortegi lahaa ka ganacsiga dadka, isla markaana loo baahan yahay in bulshada laga wacyigeliyo. “Runtii ka ganacsiga dadku waa wax dhegaha shacbiga Somaliland ku cusub. Waxa weeye qofkii oo lagu yidhaahdo waa lagu dhoofinayaa inta lacag iyo fiiseyaal macmal ah loo sameeyo, gaar ahaan dhalinyarada ayay arrintani saamayn ku leedahay. Waxa ka dhacday in hablo lageeyey Suuriya oo dadkii ka xeeyayna intay guri u kireeyeen ka baxsadeen, ka dibna arrimo kale oo ganacsi ah laga furay gurigii, hablihiina si dhaqanka suuban ka baxsan looga faa’iidaystay, wiilashana inta lagu yidhaahdo waanu idin dhoofinaynaa oo lacag laga qaado ayaa jeel ay ku dambeeyaan oo la xidhaa inta dalalkoodii laga soo kaxeeyay,” ayay tidhi Wasiirka Qoyska oo la waydiiyay inay faahfaahin ka bixiyo qaabka ka ganacsiga dadka.
Sidoo kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qoyska Cabdiraxmaan Maxamed Maal oo isna hadal kooban ka jeediyay shirkaa jaraa’id, waxa uu faahfaahin ka bixiyay faraqa u dhexeeya Tahriibka iyo ka-ganacsiga dadka. “Tahriibku waxa weeye, qofku isaga ayaa is-abaabula oo go’aansada ha ku dhinto ama ha ku noolaadee. Laakiin, ka-ganacsiga dadku waa qofkii ayaa been loo sheegayaa oo la odhanayaa ‘shaqo wanaagsan baa lagu siinayaa ama waa lagu dhoofinayaa’ ka dibna jidh ahaan iyo muruq ahaanba waa looga faa’iidaysanayaa oo si dhaqan-xun baa looga faa’iidaystaa oo waxa lagu odhanayaa shaqadaas iyo lacagtaas yar haddii aad ku shaqayn waydo waa lagu mastaafurinayaa,” ayuu yidhi Agaasimaha guud.
“Shaqaalaha Markabka xayirani waxay beesha Caalamka ka dalbadeen inay arrintooda soo faro-geliyaan”
Nairobi, 3 Feb, 2010 (Ogaal)- Shaqaalaha Markab muddo shan bilood ku dhaw ku xayirnaa Dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland, ayaa markii u horraysay beesha Caalamka ka dalbaday inay soo farogeliso arrintooda, isla markaana waxay mar kale ku celiyeen in ay ka go’day sahaydii.
Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) oo dhawaan Warbaahinta u waramayay mar uu ka soo laabtay socdaal uu ku tegay dalalka Kenya iyo Ghana, ayaa beeniyay war hore loo baahiyay oo sheegayay in Dekedda Berbera meel ka ag-dhaw laga afduubay Markab magaciisa la yidhaahdo MV Leyla, waxaanu sheegay in markabkaasi amar Maxkamadeed ku xayiran yahay. Maareeyuhu wuxuu sheegay in Markabkan iyo shaqaalaha saarani uu amnigoodu sugan yahay. Isaga oo xusay in ay Raashinka iyo Biyaha shaqaalaha Markabkan ay siiyaan.
Sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua oo soo xiganaysa Madaxa Barnaamijka caawimada bad-mareenada ee fadhigiisu yahay Nairobi Mr. Andrew Mwangura, shaqaalaha Markabkan ku xayiran Dekedda Berbera oo ajaanib ah, marka laga reebo laba qof oo Soomaali ah, ayaa beesha Caalamka ka codsaday in ay arrintooda soo farogeliyaan. Waxaanu Andrew sheegay in mid ka mid ah Shaqaalahan xaalad Caafimaad loogu soo qaaday Magaalada Hargeysa. “Shaqaalaha Cuntadii way ka dhammaaday, mid ka mid ahna waxa loo qaaday Hargeysa, si daawayn caafimaad loogu sameeyo. Inkasta oo uu maamulaha Dekedda Berbera caawinayay shaqaalahan, haddana waxa lagu hayaa amar Maxkamad ka soo baxay.” Ayuu yidhi Mr. Mwangura oo u waramayay Xinhua. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Hoggaamiyaha Markabkan iyo Shaqaalaha saarani wuxuu beesha Caalamka ka dalbaday taageero, sida hawl-gallada dibloomaasiyadeed ee Hindiya, Pakistan iyo Srilanka, kuwaas oo hadda u dhaqdhaqaaqa ka qayb-galka dacwaddan.”
Inkasta oo aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno dhinacyada kale ee arrintani khusayso, si aanu wax uga waydiino, ayaanay noo suurtogelin.
Soomaaliya: Xasan Daahir Aweys oo eedeeyay Al-Shabaab iyo Dab qabsaday Suuqa Bakaaraha
Muqdisho, 3 Feb, 2010 (Ogaal/W.Wararka)- Madaxa Kooxda Xisbul-Islaam ee ka dagaallama Magaalada Muqdisho Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in ku-xigeenkiisii Xasan Cabdilaahi (Turki) iyo masuuliyiin kale oo Kooxdaas ka tirsanaa ay ku biireen Al-Shabaab. Waxaanu ka hadlay arrimo la xidhiidha ku-biiristooda Kooxdaas.
Tirada dhimashada Soomaalida Muqdisho ee bishii January:
Hay’adda Arrimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa shaacisay tirada dadka ku dhimatay bishii laga soo gudbay dagaallada u dhaxeeya Dawladda Shariif Sh. Axmed ee Soomaaliya iyo Kooxaha ka horjeeda ee Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam. “Qalalaasaha Soomaaliya waxay si buuxda kor ugu kaceen bishii January, kuwaas oo natiijadoodu noqotay dhimashada dad shacab ah iyo baahitaanka burburka.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka UNHCR Andrej Mahecic.
Afhayeenka UNHCR wuxuu sheegay in 258 qof ay ku dhinteen dagaalladii bishii la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho. “Siday sheegayaan ilo-wareedyo maxalli ahi, isku-dhacyadii dhex maray Dawladda iyo Malleeshiyaadka kooxaha ku dagaallamaya gacan-ku-haynta Soomaaliya ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 258 qof iyo dhaawaca 253 kale, taas oo noqotay bishii ugu dhimashada badnayd ilaa bishii August ee sanadkii hore.” Ayuu intaa raaciyay Andrej. Waxaanu sheegay in xaaladaha cakiran ee halkaa ka taagani aanay suurtogelinaynin in ay hawlahooda gutaan shaqaalaha hawlaha gargaarka ee bani’aadamnimo.
Ku-biirista Xisbul-Islaam ee Al-Shabaab:
Madaxa Kooxda Xisbul-Islaam Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in ku-xigeenkiisii Xasan-Turki iyo masuuliyiin kale oo ka tirsanaa Ururkoodaasi ay ku biireen Kooxda kale ee Al-Shabaab. Hase ahaatee, wuxuu sheegay in aanay Urur ahaan ku wada soconin arrintaas. "Waa xaqiiqo in Sheekh Xasan Turkey iyo saraakiil kale oo ka mid ahaa Xisbul Islaam ay ku biireen Al-Shabaab, balse qorshahaas ma ahayn mid aan isla ogeyn aniga iyo xubnaha ku biiray kooxdaas.” Ayuu yidhi Xasan Daahir Aweys. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Al-Shabaab iyo annaga waxaa noo dhexeeyay heshiis ah inaanan ciidamada kala wadan, waxaana u arkaan arrintan ay walaaluhu sameeyeen mid aad u fool xun laguna jabiyay heshiiskii hore.”
Aweys wuxuu ka hadlay weeraro lagu ugaadhsanayay dhawaanahan xubno ka tirsan Ururkooda. “Haddii laba Urur la yahay waa jiraysaa waxoogaa is-riix-riix ah, labada dhinacna waa dhacaysaa inay xurgufo dhexmaraan, waxaas oo dhanna waa wax dhaca, anigu waxaan ku talin lahaa in laga digtoonaado falalkaas oo kale." ayuu yidhi Aweys.
Gubashada Suuqa Bakaaraha:
Suuqa wayn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, ayaa gubtay xalay fiidkii ka dib markii uu halkaa dab qabsaday. Siday sheegayaan Wararka ka imanaya Muqdisho, Suuqa Bakaaraha ayaa ka gubtay qaybta Shidaalka, halkaas oo sida la sheegay uu keenay burbur iyo khasaare hantiyeed.
Guddoomiyaha Siyaasadda UDUB oo kulamo la yeeshay masuuliyiin ka socda Ingiriiska iyo Itoobiya
Hargeysa, 3 Jan, 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha Garabka Siyaasadda ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax, ayaa sheegay in masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda ee Itoobiya Dr. Tekeda Alemu uu kula kulmay magaalada Addis-Ababa oo uu dhawaan socdaal ku tegay, kaas oo ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha Somaliland.
Sida uu Cumar Jaamac shalay ku sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray, guddoomiyaha Garabka Siyaasadda ee UDUB wuxuu kulan la yeeshay safiir-ku-xigeenka Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Addis Ababa Mr. John Marshal.
Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan;
“Waxan kula kulmay dhowaan Dalka Ethiopia Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha Dibada Dr, Tekeda Alemu,. Waxan uga mahad celiyey doorkii ay ka qaateen xalinta khilaafkii siyaasadeed ee xisbiyada dalka ee doorashada madaxtooyada ee dib u dhacday iyo sida ay u danaynayeen xasiloonida Somaliland inaanay khatar gelin. iyadoo aanu ka wada hadalay xidhiidhka labada dal iyo sii xoojintiisa iyo iskaashiga dhinacyada siyaasada iyo nabad gelyada.
Dr. Tekeda Alemu waxu iiga waramay walaaca beesha caalamku ka qabto xasiloonida gobolka iyo in lala sameeyo iskaashi buuxa dhinaca xoojinta nabad gelyada iyo xasiloonida ee Somaliland. Dr. Tekeda Alemu waxu xusay khudbadii u danbaysay ee golaha ammaanka in Xoghayaha guud ee qaramada midoobay warbixintiisii ugu danbaysay ku xusay inaan indhaha laga qarsan Karin xasiloonida ka jirta Somaliland, gacana lagu siiyo xaqiijinta amnigeeda iyo xasiloonideeda.
Dr. Alemu waxu sheegay inay ka shaqaynayaan sidii Somaliland looga qayb gelin lahaa shirarka caalamiga ah iyo iskaashiga gobolka oo ay ka noqoto xubin buuxda. Xasiloonida Ethiopia, Djibouti iyo Gacanka cadmaeed waxay ku xidhan tahay nabad gelyada iyo xasiloonida Somaliland. Nabad ku naaloon maynu haddii aanaan taageerin xasiloonida iyo qadiyada Somaliland.
Waxan kale oo aan kula kulmay Magaalada Addis Ababa, Safiir ku xigeenka Dawladda Ingiriiska u jooga Ethiopia, H. E Mr. John Marshall, waxanu ka wada hadalay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Doorashooyinka, Xasiloonida iyo iskaashiga labada dal. Waxan u xaqiijiyey inaanu waqtiga doorashada ka sugeyno GDQ diyaar aanu u nahay doorasho xor ah oo xalaal ahi inay ka qabsoonto dalka waqtiga lagu dhawaaqo doorasho. Waa dhammaatay sheeko danbe oo lagaga hadlo iyo dib u dhaceeda, waxanu ixtiraamaynaa heshiiskii aanu la galay xisbiyada kale ee beesha caalamkuna goob jooga ka ahayd.
Safiirku waxu sheegay marka laga yimaado aqoonsi caalami ah dawlado badani waxay Somaliland u arkaan dawlad jirta, oo maamusha xuduudaheeda, waxa Somaliland ka jira dawlad iyo maamul wanaagsan. Safiirku waxu sheegay inay Somaliland la lee yihiin xidhiidh wanaagsan lana lee yihiin iskaashi dhinaca nabad gelyada iyo dhinaca horumrintaba ah xoojinta dimoqraadiyadaba. Waxanu safiirka isla qaadanay inaan beesha caalamku aqbalayn dib u dhac danbe oo ku yimaada doorashada Somaliland, marka GDQ waqtiga qabtaan si hufana aanu ula shaqaynayno GDQ. Waanu sii wadaynaa xiidhiidhka iyo iskaashiga aanu la leenahay Somaliland anagoo kordhin doona caawimada aanu u marino UN, INGO’s and EU. Waxu kaloo xusay safiirku inay sii kordhinayaan kaalmadooda doorashada ka dib.
Waxa nasiib-darro ah in qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradku ka shaqeeyaan markay dibada u baxaan inay beesha caalamka u sheegaan warar ka fog xaqiiqada sida inay u sheegaan dhowaan kulmo ka dhacay Ethiopia in qaraxyada ka dhaca Somaliland ay ka danbayso xukuumadu, wararkaas oo ah kuwa ay kaga hadlaan mafrashyada qaadka oo ay la tagaan marka ay la kulmayaan dawladaha jaarka ah. Waa nasiib darro arrintaasi, waxan mucaaradka u soo jeedin lahaa inaynu u tartamayno sidii Somaliland aan qadiyadeena uga iibin lahayn caalamka mase aha inaynu fagaarayaasha la tagno waxa aynu halkan kaga wada hadalo. Waxan u soo jeedinayaa inaynu meel iska dhigno ku jiqsiida, aynuna barano in lala shaqeeyo maalinba cidda xilka qaranka haysa.
Ilaahay ha ina waafajiyo talada toosan, Somaliland ha noolaato.”
Hay’adda EDC oo tababar u furtay Macalimiin ka kala socday gobollada dalka qaarkood
Hargeysa, 3 Jan, 2010 (Ogaal)- Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Md Cali Cabdi Odowaa, ayaa Isniintii tababar u furay 32 macalin oo ka mid macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada lagu qaato Waxbarshada dadban ee Gobolada Sool, Togdheer, Awdal iyo Gobolka Maroodi-jeex.
Tababarkan oo ay Hay’adda EDC Hutel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa u furtay macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada lagu qaato waxbarshada dadban ee Gobolada dalka qaarkood, isla-markaana socon doono muddo saddex maalmood ah oo maanta ku eg, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii macalimiinta loogu tababari lahaa inay sidii ay wax u bari lahaayeen ardayda aanay u suurtogalin inay tagaan iskuulada lagu qaato waxbarashada Aasaasiga ah, iyaga oo isticmaalaya barnaamijka raadiyaha ee magaciisu yahay (SIRIP), kaas oo ay dalka ka hirgalisay Hay’adda EDC, oo kaashanaysa wasaarada Waxbarshada.
Munaasibadii furitanka tababarkan oo ay ayaa waxa ugu horeyn hadal kooban ka soo jeedisay Drs khadar Bashiir, oo ah haweenay ka tirsan saraakiisha hay’adda EDC, waxayna sheegtay in sababta macalimiinta loo tababarayaa ay tahay in ardayda Somaliland joogta ee iskugu jirta qoxootiga iyo kuwa dalka gudihiisa ku dhex barokacay ay siiyaan waxbarasho, maadaama oo aanay u suurto-galin inay helaan waxbarshada aasaasiga ah “Ujeedada tababarkan EDC bixinayso waxa weeyaan in ardayda ama qaxooti ha ahaadeen ama kuwo dalka ka dhex barakacay (IDP) ama meel kasta haka yimaadaan inay xaq u leeyihiin inay waxbarasho helaan, markaa sababta Macalimiinta tababarka loo siinayaa waa sidaa.” Ayay tidhi Marwo Khadar Bashiir.
Cabdilaahi Yaasiin oo ah Madaxa Manaahijta iyo tababarada Wasaarada Waxbarashada Somaliland, oo isaguna munaasibada furitaanka tababarka ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijka IRI, oo uu ka mid yahay tababarka loo furay raxanta macalimiinta, uu barnaamijyada wasaarada waxbarshada ku biiray sanadkii 2002-dii “Barnaamijka IRI-du Wasaaarada Waxbarashada ku soo biirisay sanadkii 2002-dii, wakhtigaas oo runtii baahi aad u wayni taalay xagga waxbarashada, gaar ahaan iskuulada loogu talogalay dadka qaxootiga dalka ku dhex barokacay ah, markaa barmnaamijkani waa barnaamij ka mid ah barnaamijyada waxbarshada dadban ee aynu tacliinta ku baahinayno Wasaarad ahaan anaga oo kaalmaysanayna hay’ada EDC.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Yaasiin, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxa aan rajaynayaa in hay’adda EDC ay degmooyinka iyo magaalooyinka waawayn ee Somaliland guud ahaan gaadhsiiyeen waxbarshada raadiyaha, barnaamijkana waxa uu qayb wayn ka qaatay kobcinta iyo kor u qaadida waxbarshada dadban ee dalka. Barnaamijkani waa barnaamij u baahan in la xoojiyo isla-markaana u baahan in laga fikiro sidii loo balaadhin lahaa.”
Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Md Cali Cabdi Odowaa, oo isagu ugu dambayn halkaa ka hadlay isla-markaana furay tababarkaasi, ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Barnaamijka IRI waxa uu ku soo biiray barnaamijyada Wasaarada Waxbarashada sanadkii 2002-dii, waana barnaamij intaaba ka shaqaynayay dalka, barnaamijkana waxa loogu tallo galay ardayda joogta meelaha ay dagan yihiin dadka qaxootiga ah ee aan helen waxbarashadii aasaasiga ahayd, sababta macalimiinta loo tababarayaana waa inay ardaydaa wax baraan.”
Md Cali Cabdi Odowaa, waxa uu sheegay in barnaamijkani aanu ahayn mid cusub, isla-markaana uu muddo shaqaynayay “Barnaamijkani maaha mid cusub, laakiin hore ayuu u jiray oo arday ka aflaxday ayaa jirta, markaa anagu Wasaarad ahaan waanu soo dhawaynaynaa barnaamijkan, waana barnaamij aanu wasaarad ahaan la socono, si fiicana hay’adda EDC waanu uga wada shaqaynaa, waxaanu u rajaynaynaa sida uu midhaha u dhaliyay uu u sii wado” ayuu yidhi agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Md Cali Cabdi Odowaa.
Waxa isaguna halkaa ka hadlay Mr Cali oo ah hawl wadeenada hay’adda EDC, waxaanu sheegay in sababta tababarka loogu furay macalimiintu tahay inay waxbarasho tayo leh siiyaan dadka aan waxbarashada aasaasiga ah helin “Dhammaan macalimiinta 32-ka ah waxa loo tababari doonaa mudada saddexda maalmood ah inay waxbarasho tayo leh siiyaan” ayuu yidhi Mr Cali.
|