Hargeysa (Togdhnews)- Xafladd si weyn loo soo agaasimay ahaydna mid xambaarsanayd xiiso gaar ah iyo muuqaallo layaab leh,
isla markaana kulmisay siyaasiyiin aan lays tusi jirin oo siyaasadda ku kala fogaaday, waxa ay ahayd mid loogu talogalay in lagu dhegaysto khudbad Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud ku soo bandhigay natiijada uu kala soo hoyday socdaal xiisado kulul oo siyaasadeed hadheeyeen oo uu dhowaan ku tagay dalalka Maraykanka iyo Itoobiya.
Munaasibadda uu khudbadda xog-warranka ah ka jeediyey Axmed-Siilaanyo oo ka dhacday huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxay ahayd tii ugu horreysay nooceeda ee mid ka mid ah saddexda xisbi qaran ku martiqaado madaxda axsaabta iyo ururrada siyaasadda ee tartanku ka dhexeeyo, ayaa waxa KULMIYE ku casuumay oo ka qaybgalay masuuliyiin sare oo ka kala socday xisbiga UCID, xisbul-xaakim talada haya ee UDUB – garabka isbeddel-doonka – iyo urur-siyaasadeedka UDHIS.
Waxa safka hore ee kuraasta dhinaca midig ee martida lagu maamuusay madaxda ka socday xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo uu horkacayey Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad Md. Aadan Maxamed Mire (Waqaf), iyadoo wejiyadooduna ku qumanaayeen hoggaamiyeyaasha sare ee KULMIYE oo iyaga kuraas gaar ah loo dhigay ka soo jeedka marti-sharafta, halkaas oo ay dhinacyada isu hayeen Axmed-Siilaanyo, Cabdiraxmaan Saylici, Muuse Biixi, Eng. Maxamed Xaashi iyo xubno kale oo ka tirsan madaxda xisbiga.
Kulankan oo ay ka qaybgaleen dad tiradoodu ku dhowdahay kun qof oo isugu jiray siyaasiyiin kala afkaar duwan, xildhibaanno ka tirsan labada gole Baarlaman [Guurtida iyo Wakiillada], aqoonyahanno, hal-abuurro caan ka ah Somaliland, madax-dhaqameedyo, haween iyo dhallinyaro, waxa laga dhex dheehan karayey muuqaallo xiiso gaar ah lahaa oo ka dhashay wejiyada dadka xafladda isugu yimi oo ay ka dhex muuqdeen siyaasiyiin ku kala dhintay loollanka siyaasadda oo aan qaarkood sannado badan salaanta islaamka iska qaadin.
Muuqaallada sida weyn u soo jiitay dareenka dadweyne fara badan munaasibadda fadhiyey waxa uu ahaa markii madasha oo buuxda uu kadinka ka soo galay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Mr. Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) oo ah siyaasiyi uu muddo dheer xafiiltan siyaasadeed ka dhexeeyey xisbiga shalay casuumadda u fidiyey ee KULMIYE, isla markaana calanka u siday wasiirradii uu ku dhaadan jiray Madaxweyne Rayaale ee doorka wax-ku-oolka ah ka soo ciyaaray inuu ku guulaysto doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 2003, si gaar ahna ugu caan-baxay cambaaraynta iyo hanjabadaha axsaabta mucaaradka, siiba xisbiga KULMIYE oo uu marar kala duwan si badheedha ugu xambaariyey eedaymo aad u culus oo liddi ku ah qarannimada iyo jiritaanka Somaliland sida; dilalkii ajnebiga ee kooxaha argagixisadu dalka ka fuliyeen sannadihii la soo dhaafay. Haseyeeshee, markii xilka laga qaaday kadib wuxuu ku biiray oo uu haatan ka tirsan yahay garab ku abtirsada xisbul-xaakimka talada haya, balse iyagoo magaca UDUB huwan u xuubsiibtay inay ka qaybgalaan ololaha axsaabta mucaaradku ku doonayaan in kursiga lagaga tuuro Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo hore ugu ahaayeen baalal uu ku duulo.
Xafladdaas oo ujeeddadu ahayd mid Guddoomiye Siilaanyo kaga xog-warramayey natiijada socdaal muddo bil ah qaatay oo uu ku soo maray dalalka Maraykanka iyo Itoobiya, waxa kaloo ka qaybgalay xubno ka socday urur-siyaasadeedka UDHIS, balse waxa ka muquurtay oo aan madasha ka soo xaadirin hoggaamiyeyaasha ururkaas oo u badan siyaasiyiin hore uga digo-rogtay KULMIYE, kadib markii khilaaf culus soo kala dhexgalay iyaga iyo hoggaanka xisbiga.
KHUDBADDII -SIILAANYO:
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa khudbad si weyn looga dhursugayey oo uu madashaa ka jeediyey, waxa uu ku soo bandhigay xogo dheeraad ah oo la xidhiidha natiijada shirar kala duwan dhexmaray masuuliyiin ka kala tirsan dawladaha Maraykanka iyo Itoobiya oo uu la kulmay iyo weliba kulamo uu la yeeshay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan waddamada USA iyo Canada.
Ugu horreyn Guddoomiye Axmed Siilaanyo waxa uu khudbadiisa ku bilaabay mahadnaq ballaadhan oo uu u jeediyey dadkii faraha badnaa ee ka qaybgalay kulankaasi iyo weliba shacabka reer Somaliland gaar ahaan Hargeysa iyo kuwa Maraykanka ee labadii jeerba sida weyn u soo dhaweeyey.
Guddoomiye Siilaanyo oo si faahfaahsan uga waramayey wixii uga soo qabsoomay safarkiisa, ayaa hadalkiisa oo qodobaysan waxa uu ku bilaabay sedan:
“Intii aannu dalkaas [Maraykanka] ku wareegaynay safarkayaga ujeedadiisa u weyni maxay ahayd? Runtii waxaannu is leenahay waxa ugu weyn ee aannu maanta qabanay ee aannu ku soo guulaysanay waxa ka mid ah iyadoo aannu dalka Maraykanka ka helnay dad na dhegaysta, waayo waa dal aynu dano badan ka leenahay, ugana baahaynahay inuu wax badan inala qabto dhinac kasta oo ay tahay oo ay ina dhegaystaan, qadiyadeenana laga dhaadhicino oo si ballaadhan oo firfircoon loo gaadhsiiyo. Waxaanu is leenahay dadkaas idin dhegaystay cid kasta ha ahaadaane haddii ay dawladda, dadweynaha iyo haddii ay hay’adaha kale duwan tahayba waxaad ka dhaadhiceen qadiyadda Somaliland iyo inay tahay qaran madaxbannaan oo ka madaxbannaan Soomaaliya inay tahay, waa qodobka ugu wayn ee aannu gaadhsiinay dawladda Maraykanka, dadweynaheeda iyo hay’adaha u taliya.
Ta labaad, waxaabaha aannu kala hadlanay waxa ka mid ah mucaawanooyinka Soomaaliya la siinayo oo aanan cidii wax u taraysa marnaba uga ba’ayn, laakiin mucaawanooyinka Somaliland la siinayaa inay ka duwanaadaan oo ay gooni ka ahaadaan kuwa Soomaaliya la siinayo oo loo arko waddan gooni ah oo cagihiisa ku taagan oo u baahan in si toos ah wax loola qabto, haddii ay tahay geedi-socodka dimuqraadiyadda, mucaawanooyinka bani’aadanimo, nabadgelyada iyo dhinac kasta oo ay tahayba in wax la qabsigayagu uu noqdo mid toos ah oo gooni u jira.”
Qodobka saddexaad ee aannu aadka ugala hadalnay dawladda Maraykanka waxa uu ahaa in somaliland loo furo hay’adaha dunida sida UN-ka (Qaramada Midoobay) ama hay’adaha kale ee dunida inay uga qaybgasho sida Falastiin oo kale in Somaliland loo oggolaado oo ay qadiyaddooda iyo danahoodaba hordhigi karaan.
Qodobka afraad ee aannu kala hadalnay wuxuu ahaa oo aannu aad ugu dheeraanay dimuqraadiyadda ka hanoqaaday Somalland oo u bahaan taageero iyo kobcin. Dimuqraadiyad la’aantu waa waxyaabaha dalalka burburiya, haddii aynu doonayno in dalkeenu xasiloonidiisa iyo deganaanshihiisa haysto, waxa lagama maarmaan ah inuu mabadaa’da dimuraadiyadda ee uu ku dhaqmo inay asaas u ahaato oo ay noqoto waxaan marqudha laga baydhin, waxaannu ka dalbanay in taas gacan nalaga siiyo oo doorashooyinkeena soo socda nalaga caawiyo, haddii dhinaca dhaqaalaha tahay iyo haddii ka qaybgalkeeda noqotaba.
Arrinta kale ee aannu ka wadahadalnay waxa weeye nabadgelyada mandaqada ama gobolka aynu ku noolnahay, waayo waa mid ina wada taabanaysa waxa Xamar iyo Puntland ka dhacayaa iyo waxa mandaqada ka dhacaya oo dhami saamayn toos ah ayey inagu leeyihiin, waynu ognahay inta jeer ee la isku keen dayey, wixii argagixisadu inoo gaysatay, waynu ognahay budhcad badeedu dhibaatada ay leedahay. In aynu wax la qabsi la yeelano dunida iyaduna waxyaabaha aannu aad iyo aad uga hadlaynay ayey ka mid ahayd ee aannu ku dheeraanay.
Haddaba, qodobadaas markii aannu soo hadalqaadnay waxyaabihii nalaga ballanqaaday, waxa ka mid ahaa in taageero dawladda Maraykanka iyo hay’adaheeda kala duwani inaga siiyaan xagga hurmarinta Somaliland sida in si laxaad leh la inooga caawiyo doorashooyinka, in xagga tacliinta, gaar ahaan dhinaca deeqaha waxbarasho in wax la inalaga qabto. Waxyaabahaas hay’adihii aannu la kulanay oo dhami way naga ballaqaadeen inay dib u eegaan oo ay gacan wayn inaga siiyaan.”
Guddoomiye Siilaanyo waxa uu sheegay in madaxdii kala duwanaa ee ay kala kulmeen dawladda Maraykanka iyo hay’adaheeda kala duwani ay ahaayeen dad muhiim ah oo ay wax ka go’i karaan, isla markaana ay aaminsan yihiin inay aqoon badan ka siiyeen Somaliland .
Md. Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay kulamo iyo shirar uu la yeeshay jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka, kuwaas oo uu sheegay inay kala hadleen arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsan tahay inay ka qaybqaataan dib-u-dhiska dalka iyo ololaha loogu jiro qadiyadda aqoonsiga Somaliland .
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu mahadnaq ballaadhan u jeediyey dadkii ka qaybqaatay socdaalkiisii dalka Maraykanka oo uu ku tilmaamay dad firfircoon, kuwaas oo uu sheegay inay aad u badnaayeen oo aanu tiring karayn, balse uu ka xusay Dr. Maxamed Cabdillaahi oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibada KULMIYE iyo weliba wakiilka xisbiga ee Waqooyiga America Mr. Xuseen ducaale.
Mar Guddoomiyaha KULMIYE ka hadlayey sida uu u arko eedamo dhawaan xukuumaddu ugu jeedisay inuu madaxda Maraykanka ee uu la kulmay kala hadlay qorshe iyagu hore ugu diideen oo la xidhiidha midnimada Soomaaliweyn, waxa uu dhaleecayntaas ku tilmaamay rafashadii ugu dambaysay ee maamulka Rayaale dalka ku sagootiyo.
“Hadalada qaar ka soo yeedhayey maamulka waxba halkan kaga dheeraanmaayo, waynu ognahay oo maamulka maantu waa maamul tab caan ah oo umadda Somaliland, dunida iyo isagaba ay u muuqato in waqtiga u hadhay uu mid kooban yahay, markaa kolay daalaadhacooda iyo dambaabidhadooda ka soo yeedhaya waxba ku tiigaalimayno. Geedigu wuu inoo soconayaa, hawsheena, qaranimadeena iyo doorashadeenuba way inoo soconayaan,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
TogdheerNews
|