Hargeysa (Togdhnews)- Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada Marwo Faadumo Suudi Xasan oo shir-jaraa’id ku qabatay shalay xafiiskeeda magaalada Hargeysa,
ayaa shaaca qaadday inuu soo baxay barnaamij cusub oo lagaga ganacsanayo dadka, gaar ahaan dhallinyarada oo ay sheegtay in maskaxda lagaga xadayo arrimo la xidhiidha dhoof iyo shaqo-geyn dibadeed.
Marwo Faadumo Suudi, waxa ay sheegtay inuu soo baxay nooc cusub oo lagaga ganacsanayo dadka, gaar ahaan dhallinyarada siiba gabdhaha oo inta si khiyaamooyin casriyeysan ah ballanqaadyo aan waxba ka jirin lacago kaga urursadaan kooxo isbahaystay oo maskaxda kaga xada inay Yurub iyo Maraykanka u dhoofinayaan amma waxbarasho dibadeed u hayaan ammase caalamka u shaqaynayaan, balse markay ka kaxeeyaan geeya qof meel aannu raalli ka ahayn, kana soo laaban Karin, kadibna lagu khasbo inuu la-hayste u noqdo ciddii wadday oo iyaguna uga faa’iidaysta danahooda gaar ahaaneed.
“Waxaan maanta doonayaa inaan shacbiga Somaliland ka wacyigelino arrin khatarteeda leh oo dalka ku soo korodhay oo ah ka ganacsiga dadka. Runtii way innagu cusub tahay Somaliland , haseyeeshee waxay ka dhacdaa meelaha burburka iyo dagaalladu ka dhacaan. Innaga wixii dadkeennu u dhibaatoodeen waa tahriibka oo badda isugu biimeeyeen.
Dadku meelaha ay u tacabiraan ee isleeyihiin nolol ka raadsada ayaa waxa jirta dad isu tagay oo xirfad u leh sida dadka lacagta looga qaado, waxaanay ku yidhaahdaan shaqooyin ayaanu idin siinaynaa. Waxa dhacda inay siiyaan wax yar dumarka oo kale waxay ku yidhaahdaan shaqo ayaanu idin siinaynaa ayaa haddana wax kale lagu sameeyaa.
Xamar oo kale waxa dhacday in carruur la qaatay, ka dibna markii dibada la geeyey xubno jidhkooda ka mid ah lala baxay taasina waxay ka mid tahay ka ganacsiga dadka (Human Trafficking).”
Waxa kaloo wasiirku sheegtay in tahriibka iyo ka ganacsiga dadku ay iska shabbabahaan dhinaca dhibaatada qofku mudanayo, waxaanay ku baaqday in xukuumad iyo shacbiba la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa khatartaas.
“Arrimaha iyo tahriibku way kala duwan yihiin, waxaanan u mahadnaqayaa dawladda Jabbaan oo gacan ku siisay hay’adda IOM ee caalamiga ah sidii ka ganacsiga dadka looga hortagi lahaa, dadkana shirar badan oo lagaga digaayo loogu qabanayo. Labadii bilood ee u dambaysay aad iyo aad ayaa arrintaasi looga wacyigeliyay bulshada Somaliland .”
Sidoo kale waxay xustay inay heleen xogo xaqiiq ah oo ku saabsan jidadka iyo marinada kooxahaasi ka saaraan dadka maskaxda laga xado, kuwaasoo siday sheegtay in marka dambe looga faa’iidaysto siyaabo kala duwan oo uu ka mid yahay xubnaha jidhkooda oo la iibiyo iyo in lagula kaco xadgudubyo waaweyn oo dhinac kasta leh.
Marwo Faadumo Suudi waxay sheegtay in kooxaha qaabka caynkan ah dadka uga ganacsadaa yihiin shabakado isku xidhan oo dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba ka hawlgala.
Sidaa awgeed, Marwo Faadumo Suudi Xasan waxa ay bulshada Somaliland ugu baaqday inay ka digtoonaadaan khataraha culus ee arrimaha noocan ah xambaarsan yihiin, isla markaana si wadajir ah loogu hawlgalo sidii ummadda looga wacyigelin lahaa dhagaraha qarsoon ee ku duugan habka casriga ah ee ka ganacsiga dadka, waxaanay xustay in xukuumadda Somaliland oo kaashanaysa hay’adaha caalamiga ah bilowday qorshe ballaadhan oo la xidhiidha wacyigelinta halista cusub ee dalka ku soo korodhay.
Wasiirka Qoyska oo ka jawaabaysay su’aal laga weydiiyey inay tafaasiil ka bixiso qaabka cusub ee ka ganacsiga, waxa ay tidhi; “Runtii ka ganacsiga, dadku waa wax dhegaha shacbiga Somaliland ku cusub waxa weeye qofkii oo lagu yidhaahdo waa lagu dhoofinayaa inta lacag iyo fiiseyaal macmal ah loo sameeyo, gaar ahaan dhallinyarada ayay arrintani saamayn ku leedahay. Waxa ka dhacday in hablo la geeyey Suuriya oo dadkii kaxeeyayna intay guri u kireeyeen ka baxsadeen ka dibna arrimo kale oo ganacsi ah laga furay gurigii, hablihiina si dhaqanka suubban ka baxsan looga faa’iidaystay, inamadana inta lagu yidhaa waanu idin dhoofinaynaa oo lacag laga qaado ayaa jeel ay ku dambeeyaan oo la xidhaa inta dalalkoodii laga kaxeeyay.”
Ugu dambayn, wasiirku waxa ay bahda saxaafadda Somaliland ugu baaqday inay door muhiim ah ka qaataan sidii bulshada looga wacyigelin lahaa khataraha shirqoollada cusub ee ka ganacsiga dadka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Maal oo wiirka ka qaybgalay shirkaa jaraa’id, ayaa tafsiir ka bixiyey faraqa u dhexeeya tahriibka iyo ka ganacsiga dadka.
“Tahriibku waxa weeye qofkii isaga ayaa is-abaabula oo go’aansada ha ku dhinto ama ha ku noolaadee. Ka ganacsiga dadku waa qofkii ayaa been loo sheegayaa oo lagu odhanayo shaqo wanaagsan ayaa lagu siinayaa amma waa lagu dhoofinayaa, kadibna jidh ahaan iyo muruq ahaanba waa looga faa’iidaysanayaa oo si dhaqan xun ayaa looga faa’iidaystaa oo waxa lagu odhanayaa shaqadaas iyo lacagtaas yar haddii aad ku shaqayn weydo waa lagu mastaafurinayaa,” ayuu yidhi Md. Maal.
Togdheernews
|