Hargeysa (Togdhnews) Guddoomiyaha xafiiska siyaasadda xisbiga tallada haya ee UDUB Mr. Cumar Jaamac Faarax, ayaa shaaca ka qaaday in xisbiyadda mucaaridku
dalalka caalamka u sheegaan in xukuumaddu ka dambayso qaraxyadda ka dhaca Somaliland, isaga oo arrintaana ku tilmaamay mid nasiib-darro ah.
Mr. Cumar Jaamac oo dhawaan ka soo noqday safar uu ku tagay dalka Itoobiya, waxa uu sidaa ku sheegay warsaxaafadeed uu shalay ka soo saaray magaaladda Hargeysa, kaasi oo uu kaga xogwaramay kulamo uu Addis Ababa kula yeeshay wasiirul-dawlaha arrimaha dibedda Itoobiya Dr. Tekeda Alemu iyo safiir-ku-xigeenka safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Itoobiya Jonh Marshal.
Warsaxaafadeedka uu soo saaray guddoomiyaha xafiiska siyaasadda UDUB, waxa uu u qornaa sidan; “Waxaan kula kulmay dhowaan dalka Ethiopia Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr. Tekeda Alemu. Waxaan uga mahad-celiyey doorkii ay ka qaateen xallinta khilaafkii siyaasadeed ee xisbiyada dalka ee doorashada madaxtooyada ee dib u dhacday iyo sida ay u danaynayeen xasiloonida Somaliland inaanay khatar gelin. iyadoo aanu ka wadahadalay xidhiidhka labada dal iyo sii xoojintiisa iyo iskaashiga dhinacyada siyaasada iyo nabadgelyada.
Dr. Tekeda Alemu wuxuu iiga warramay walaaca beesha caalamku ka qabto xasilloonida gobolka iyo in lala sameeyo iskaashi buuxa dhinaca xoojinta nabadgelyada iyo xasilloonida ee Somaliland . Dr. Tekeda Alemu waxa uu xusay khudbadii u dambaysay ee golaha ammaanka in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay warbixintiisii ugu danbaysay ku xusay inaan indhaha laga qarsan Karin xasilloonida ka jirta Somaliland , gacana lagu siiyo xaqiijinta amnigeeda iyo xasilloonideeda.
Dr. Alemu waxa uu sheegay inay ka shaqaynayaan sidii Somaliland looga qayb gelin lahaa shirarka caalamiga ah iyo iskaashiga gobolka oo ay ka noqoto xubin buuxda. Xasilloonida Ethiopia , Djibouti iyo Gacanka Cadmeed waxay ku xidhan tahay nabad gelyada iyo xasiloonida Somaliland . Nabad ku naaloon maynu haddii aanaan taageerin xasiloonida iyo qadiyada Somaliland .
Waxan kaloo aan kula kulmay Magaalada Addis Ababa, Safiir-ku0xigeenka dawladda Ingiriiska u jooga Ethiopia, H. E Mr. John Marshall, waxanu ka wada hadalay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Doorashooyinka, Xasiloonida iyo iskaashiga labada dal. Waxaan u xaqiijiyey inaanu waqtiga doorashada ka sugeyno GDQ diyaar aanu u nahay doorasho xor ah oo xalaal ahi inay ka qabsoonto dalka waqtiga lagu dhawaaqo doorasho. Waa dhammaatay sheeko danbe oo lagaga hadlo iyo dib u dhaceeda, waxanu ixtiraamaynaa heshiiskii aanu la galay xisbiyada kale ee beesha caalamkuna goob-joogga ka ahayd.
Safiirku waxu sheegay marka laga yimaad aqoonsi caalami ah dawlado badani waxay Somaliland u arkaan dawlad jirta oo maamusha xuduudaheeda, waxa Somaliland ka jira dawlad iyo maamul wanaagsan. Safiirku waxa uu sheegay inay Somaliland la lee yihiin xidhiidh wanaagsan lana lee yihiin iskaashi dhinaca nabadgelyada iyo dhinaca horumrintaba ah xoojinta dimoqraadiyadaba. Waxaannu safiirka isla qaadanay inaan beesha caalamku aqbalayn dib-u-dhac dambe oo ku yimaad doorashada Somaliland , marka GDQ waqtiga qabtaan si hufana aanu ula shaqaynayno GDQ. Waanu sii wadaynaa xiidhiidhka iyo iskaashiga aanu la leenahay Somaliland annagoo kordhin doona caawimada aanu u marino UN, INGO’s iyo EU. Wuxuu kaloo xusay safiirku inay sii kordhinayaan kaalmadooda doorashada kadib.
Waxa nasiib-darro ah in qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradku ka shaqeeyaan markay dibada u baxaan inay beesha caalamka u sheegaan warar ka fog xaqiiqada sida inay u sheegaan dhowaan kulmo ka dhacay Ethiopia in qaraxyada ka dhaca Somaliland ay ka dambayso xukuumaddu, wararkaas oo ah kuwa ay kaga hadlaan mafrashyada qaadka oo la tagaan markay la kulmayaan dawladaha jaarka ah. Waa nasiib darro arrintaasi, waxan mucaaradka u soo jeedin lahaa inaynu u tartamayno sidii Somaliland aan qadiyadeena uga iibin lahayn caalamka mase aha inaynu fagaarayaasha la tagno waxaynu halkan kaga wadahadalo. Waxaan u soo jeedinayaa inaynu meel iska dhigno ku jiqsiida, baranana in lala shaqeeyo maalinba cidda xilka qaranka haysa,” ayuu Mr. Cumar Jaamac ku soo gunaanadayu warsaxaafadeedkiisa.
TogdheerNews.
|