Home
Madaxwayne Rayaale Oo Hambalyeeyay Xuskii Sanad Guuradii 16- Tobnaad ee Ciidamada Qaranka PDF Print E-mail
Tuesday, 02 February 2010

Madaxweynaha JSL  Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxaa uu Hambalyo u dirayaa  dhamaan Ciidamada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xaasaskoodaba, isaga oo ugu hambalyeynaya Sanad Guuradii Lix iyo Tobnaad markii la aasaasay Ciidamada Qaranka oo Maanta loogu dabaal dagaayo Dalka Bari iyo Galbeedba.

Madaxweynuhu waxaa uu Hambalyadiisa ku yidhi (waxaan aad ugu Hanweynahay kaalinta wax ku ool ka ah ee Ciidamada Qaranka ay ka qaateen Sugida Nabad-gelyo iyo Xasiloonida ay Somaliland ku Naaloonayso, iyada oo aan ka war hayno Xasilooni-darada iyo dagaalada ka Alloosan meelo badan oo ka mid ah Mandaqada aynu ku Noolnahay)

ALAA MAHAD LEH


AF-hayeenka Madaxtooyadda                                

(Siciid Cadaani Mooge)

 

Kaah Property

Sidee looga Xusay Magaaladda Burco Xuska maalinta Wax Akhris la'aanta iyo Wax Qoris la'aanta