Home
Waxa xisbigu Mahadnaq Ballaadhan u Jeediyey shacabka soo dhaweeyey Siilaanyo PDF Print E-mail
Tuesday, 02 February 2010

 

 (Togdhnews)- Xisbiga KULMIYE ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyey shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa sidii ayye  u soo dhaweeyeen Guddoomiyahooda Axmed Siilaanyo oo ka soo laabtay socdaal uu ugu maqnaa dalka Maraykanka.

 Hoggaanka xisbigu waxa uu shaaca ka qaaday in taageeradii laxaadka lahayd ee shacabka caasimaddu u muujiyey Guddoomiye Siilaanyo ay u caddaynayso rabitaanka shacabka oo kalsooni buuxda ku abuuraysa.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Keyse Xasan Cige, ayaa waxa kale oo xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee UDUB loogu baaqay inay tixigelin iyo ixtiraam siiyaan rabitaanka shacabka ee ay ku taageersan yihiin KULMIYE.

Hargeysa, ka dib markii ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal muddo gaaban qaatay oo uu ku tegay dalka Maraykanka.

Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan;

“Waxaa Hoggaanka Xisbiga Kulmiye aad ugu mahadnaqayaa dhammaan taageerayaasha iyo guud ahaan shacabweynaha degan magaala madaxada ee Hargeysa sidii diirraneyd ee ay u soo dhoweeyeen Guddoomiyaha Xisbiga, isla markaana ah Musharaxa Madaxweynah Mudane Axmad Maxamad Siilaayo kadib markii uu kasoo laabtay socdaal uu ku tegay dalka Maraykanka oo laga casuumay.

Wuxuu hoggaanka Xisbigu aad ugu riyaaqay sida sharafta iyo maamuusku ka muuqday ee shacabweynuhu ay isugu soo baxeen suuqyada iyo wadooyinka magaalada iyadoo lulaya calamo iyo caleemo qoyan kuna dhawaaqaya eryo iyo hadalo soo dhoweyna. Wuxuuna isu soo baxaasi noo caddaynayaa kalsoonida iyo taageerada uu shacabka Somaliland u hayo Xisbiga iyo hoggaankiisa. Waxaanu aad ugu rajaweynahay inuu shacabweynuhu diyaar ula yahay codkiisa inuu siiyo Hoggamiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmad Maxamad Siilaanyo.

Ugu dambeyntii waxaanu ku boorinaynaa xukuumada iyo Xisbiga tala haya ee UDUB inay dhageystaan oo ixtiraamaan dareenka iyo dhawaaqa bulshada.”


 

 

Kaah Property

Sidee looga Xusay Magaaladda Burco Xuska maalinta Wax Akhris la'aanta iyo Wax Qoris la'aanta