Wararkii Wargayska Ogaal.
Maanta iyo cod-u-qaadista is-casilaadda Sh. Axmed Nuux Furre
Shirguddoonka Guurtidu muxuu la hortegayaa fadhiga maanta ee Golahaas?
“Horta, wax inaga xumi ma jiraan, wax cabsi idin geliya oo arrintaas ahina…” Gudd. Guurtida
Hargeysa 01, Feb.2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadam, ayaa sheegay in iscasilaada guddoomiye kuxigeenkiisa koowaad aanay wax saamayn ah oo taban golaha ku yeelan doonin.
Guddoomiyaha oo shalay hadal ka jeediyay fadhi daqiiqado kooban socday oo goluhu yeeshay, waxa uu sheegay in gole ahaan ay maanta ka kulmayaan iscasilaadaas, ka dib marka ay wadahadalo dheeri ah ka yeeshaan xubnaha Shirguddoonku. “Shalay (doraad) inagoo meel fiican marayna, waatii arrini (is casilaadka guddomiye kuxigeenka koowaad) inagu soo korodhay, taasna waad ka wada dheregsan tihiin oo waxba hadda ku celi maayo,” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadam. “Horta, wax inaga xumi ma jiraan, maanta wax cabsi idin geliya oo arrintaas ahina ma jirto, dhinacyadeeda faraha badan,” ayuu Guddoomiyuhu ugu bushaareeyay Mudaneyaasha Guurtida oo intooda badan fadhigaa shalay ka qaybgalay. “Laakiin, waxaanu isla garanay inta yar ee naashnaashka ah ee noo hadhsana in aanu maanta dhamaysano ee golaha dhexdiisa ah, beri (Isniinta maanta) aroortiina haddii Alle yidhaahdo aynu arrintaa halkan isugu nimaadno, sidaa aa maanta (shalay) u soo buuxiseena aynu berina isugu nimaadno oo aynu ka soo badano ayaan idinka codsanayaa,” ayuu raaciyay.
Guddoomiyaha Guurtidu waxa uu sheegay inay weli raadinayaan sidii ay xal uga gaadhi lahaayeen khilaafka golaha hadheeyay oo ka dhashay ka dib markii todobaadyo ka hor wax-ka-bedel lagu sameeyay guddiga Joogtada ah. “Ma jecli inaan hadda su’aalo furee, anigana nin wax xumaynaya ha iga dhigina, xalkana waynu raadinaynaa oo waynu haynaa,” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan oo ka jawaabayay dareen la xidhiidha Mudaneyaasha qaarkood oo hadalka holaday ka hor intii aanu fadhigu xidhmin.
Iscasilaada Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha Guurtida Sh. Axmed Nuux Furreh Sabtidii gudbiyay, waxay ka dambaysay ismariwaa la xidhiidha wadahadalo xubnaha Shirguddoonku labadii todobaad ee u dambeeyay ka lahaayeen khilaafka soo dhexgalay, ka dib markii Guddoomiyaha oo safar dibaddeed ku maqan la bedelay guddiga Joogtada ah ee golahaas. “Gole ahaan Isniinta (maanta) ayaanu cod u qaadaynaa iscasilaada Guddoomiye kuxigeenku soo gudbiyay,” sidaana waxa yidhi mid ka mid ah Mudaneyaal golahaa ka tirsan oo ka mid ah xubno labadii habeen ee u dambeeyay dedaal ugu jiray sidii looga hortegi lahaa in iscasilaada Sh. Axmed Nuux Furreh sii huriso khilaafka golaha ka oogan. “Waxay u badan tahay in goluhu diido iscasilaadaa,” ayuu raaciyay.
Shalay: Mabda’ii Xukuumadda, Maamuuskii soo-dhawaynta Siilaanyo iyo meel-ka-dhacii Masuuliyiinta KULMIYE ee Suxufiyiinta
Hargeysa, 1 Feb, 2010 (Ogaal)- Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, ayaa shalay xidhay Jidka hormara Madaxtooyada, isla markaana Ciidamo tiro badan dhoobtay Jidadka Magaalada Hargeysa qaarkood, ka dib markii ay ku war heshay in uu Madaarka Hargeysa ka soo degayay Guddoomiyaha KULMIYE oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyay magaalada.
Muuqaalkii Magaalada:
Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka ee guud ahaan magaalada Hargeysa ayaa shalay waxa hadheeyay Calamada Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ujeedadoodu ahayd soo-dhawaynta Guddoomiyaha Xisbigaas. Abbaaro 9:00 subaxnimo ee shalay ayaa laga dareemay Magaalada Hargeysa isu-soo-baxa dadweyne aad u tiro badan, laguna arkay gaadiid ay ka dul babbanayeen Calamada KULMIYE, kuwaas oo is-taxay inta u dhaxaysa Madaarka Hargeysa ilaa Xafiiska xarunta dhexe ee KULMIYE, marka laga reebo meelo aanay u suurtogalin in ay dadku is-taagaan.
Sawaxanka iyo buuqa Baabuurta ayaa shalay ahayd mid gebi ahaanba xidhay isu-socodka Magaalada Hargeysa, waxaanay Dadweynuhu u muuqdeen kuwo abaabulan oo diyaar u ahaa soo-dhawaynta Guddoomiyaha, waxaanay siteen Callmada Somaliland iyo kuwa Xisbiga KULMIYE.
Tallaabadii Xukuumadda:
Xukuumadda Somaliland oo u muuqatay inay u aragto isu-soo-baxa dadweynaha mid isu-bedeli kara Mudaharaadyo, ayaa shalay Ciidan iyo Biro ku xidhay Jidka hormara Madaxtooyada, waxaanay halkaa iyo jidadka kaleba dhoobtay Ciidamo tiro badan oo hubaysan, isla markaana waxay taageerayaasha iyo Madaxda KULMIYE-ba iska hortaageen inay galaan xayndaabka Madaarka Hargeysa, marka laga reebo hoggaanka KULMIYE iyo UCID oo ay ogolaadeen inay galaan. Sidoo kale, Xukuumaddu waxay guud ahaan Warbaahinta iska hortaagtay inay galaan Madaarka.
Soo-dhawayntii Siilaanyo iyo aflagaadayntii Saxaafadda:
Abbaaro 10:00 subaxnimo ayaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, waxaana marka laga reebo dadweynaha soo-dhawayntiisa ka qayb galay Masuuliyiin tiro badan oo ka kala socday Xisbiyada KULMIYE iyo UCID, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye-xigeenka 1aad Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Xaashi Cilmi, Muxumed Cabdi Madar, Murashaxa-Madaxweyne-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan-Saylici iyo masuuliyiin kale oo tiro badan. Xisbiga UCID waxa ka socday Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiye-xigeenka Xisbigaas Aadan Maxamed Mire (Waqaf) iyo xoghayaha warfaafinta Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax).
Guddoomiyaha KULMIYE oo ay hareero socdaan masuuliyiin kala duwan oo Xisbigaas ka tirsan, ayaa isaga oo lugaynaya ka soo baxay Albaabka hore ee xayndaabka Madaarka, halkaas oo ay ku sugayeen dadweyne aad u tiro badan iyo Warbaahintu.
Warbaahinta iyo dadweynaha ku sugnaa goobtaa oo muddo saacado gaadhaysa sugayay imaanshaha Guddoomiyaha, ayaa u dhaqaaqay dhinaca Guddoomiyaha, hase ahaatee, inkasta oo ay Ciidamada amnigu dadweynihii joojiyeen, haddana Warbaahinta ayaa u hollatay inay Guddoomiyaha ka hortagto oo ay wax waydiiso, hase ahaatee inkasta oo Guddoomiyaha laf ahaantiisu hadalka socdaalkiisa la xidhiidhay bilaabay, haddana masuuliyiinta Xisbigaas qaarkood ayaa aflagaaddo kula kacay Suxufiyiinta qaarkood. “Waar ciyaala-suuq baad tihiine naga hor baydha..” ayaa ka mid ahaa ereyo ka soo yeedhay Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbigaas Maxamed Cabdi Iskeerse oo waqtigaa masuuliyiin uu ka mid yahay ay riix-riixayeen Suxufiyiinta.
Dadweyne kummanaan qof gaadhaya ayaa isugu soo baxay soo-dhawayntii shalay ee Guddoomiyaha KULMIYE, waxaanay dhammaantood ku dhawaaqayeen ereyo ay ku muujinayeen taageerada ay u hayeen KULMIYE iyo guddoomiyahooda, isla markaana waxay ammaanayeen xisbigaas. Sidoo kale, waxa la maqlayay dhawaaqa Heeso wadani ah oo ka yeedhaysay Gaadiid kala duwan oo Sameecado lagu xidhay.
Intaa ka dib, Axmed-Siilaanyo wuxuu taageerayaal aad u tiro badan oo Xisbigiisa ah kula hadlay Xarunta dhexe ee Xisbigaas iyo Warbaahinta, waxaanu halkaa kaga warbixiyay ujeedada socdaalkiisa iyo waxyaabihii uu la kulmay.
Gebo-gebo:
Si kastaba ha ahaatee, soo-laabashada Guddoomiyaha KULMIYE ee waqtigan iyo soo-dhawayntiisa, ayaa ku soo beegantay laba toddobaad ka dib markii Madaxweyne Rayaale uu Guddoomiyaha KULMIYE ku eedeeyay in uu aaminsan yahay mabda’a Soomaaliweyn, taas oo ay ka dambaysay dhawaaq ka soo yeedhay Wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibedda Keyse Aadan Ismaaciil uu ku shegay in Axmed-Siilaanyo cafis waydiisto Bulshada.
Guddoomiyaha KULMIYE muxuu ka yidhi socdaalkiisii Maraykanka iyo Itoobiya?
-Guddoomiye, diyaar ma u tahay in aad Xukuumadda kulan la qaadato oo aad talo kula noqoto?
-Donald Payne Xukuumaddu waxay ku sheegtay in uu dalka ka soo horjeedo, adigu markaad la kulantay siduu kuula muuqday?
-Intii aad Siyaasadda ku jirtay Bulshada ma ka heshay taageerada intaa le’eg?
“Dawladdu iyadu markay lumisay kalsoonidii Umadda, way isku dayaysaa sidii awalba dhaqanka u ahayd inay qaaddo tallaabo kasta oo waxyeellaynaya Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka”
Hargeysa, 1 Feb, 2010 (Ogaal)- “Mahad aad u balaadhan ayaan u celinayaa dadweynaha reer Somaliland meel kastooy a joogan..Intii aan Maraykanka joognay gobolo badan ayaan tegay, dad badan ayaanu is-aragnay, waxaana aad iila shaqaynayay dad fara-badan oo reer Somaliland ah iyo Xisbiga Kulmiye ah.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii socdaal afar toddobaad qaatay ugu maqnaa dalka Maraykanka.
Guddoomiyaha oo shalay Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE ugu waramayay Warbaahinta, ayaa sheegay in intii uu ku sugnaa dalka Maraykanka uu kulamo la yeeshay Masuuliyiin ka tirsan dalkaas. “..Shirarka aanu qabanay dadka aanu is aragnay ee ka tirsan Hay’adaha kala duwan ee dawlada Maraykanka iyo Baarlamankeeda, Koongareeska iyo kuwa kale ee Hay’adaha kala duwan ka wada shaqeeya intaba aad ayaa naloo soo dhaweeyay. Qaddiyadda Somaliland ayaan umadda ka dhaadhicinay oo aanu fahamsiinaynay, waxaananu qabnaa in arrintaas si aad iyo aad ugu guulaysanay oo waxtar wayn iyo qiimo wayn u noqon doonto dalka reer Somaliland iyo dadkaba. Waxaanu si buuxda oo tafasiil ah uga warami doona umada reer Somaliland oo aan dhawaan u soo bandhigi doonaa waxa noo soo qabsoomay.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.
Intaa ka dib, su’aalo Warbaahintu waydiisay iyo jawaabihii uu ka bixiyay waxay u dhaceen sidan;
S: Intii aad maqnayd waxa Xukuumadda ka soo yeedhay in aad Adigu Axmed ahaan aaminsan tahay mabda’a Soomaaliweyn, sidaa darteed aad cafis dalbato, arrintaa sideed u aragtaa?
J: Warkaasi waa I soo gaadhay oo waan maqlayay, wax alla wax aan qiimo siinayaa arrintaasi ma jirto, wax igu dhacay ma jiraan, sida lay qaabilayna indhihiina ayaad ku aragtaan. Dadka reer Somaliland waxaan gudo iyo waxaan galo labadaba way ogyihiin, waxaan u soo galayna way ogyihiin, halkaan ugu jiro umadda reer Somaliland ayaanan aaminsanahay oo Madaxweynenimo ayaan ugu taaganahay. Qaranka waan u soo halgamay, waan u soo shaqeeyay, maantana Somaliland ka ugu horreeya ee u halgama ayaan noqonayaa, ragga sidaa lehna taariikhdooda iyo taariikhdayda waa la kala yaqaanaa, waxba ku dheeraan maayo.
S: Maraykanka maxaad ka wada hadasheen?
J: Waxaanu ka wada hadalnay Somaliland wax-qabadkeeda, Doorashooyinkeeda, Dimuqraadiyadeedda iyo horumarkeeda, guulo badan iyo is-afgaradna waanu ka gaadhnay. Sidaan horeba u sheegay waxaan soo bandhigi doonaa oo aan sharaxi doonaa dhawaan.
S: Wasiirka Khaarajigu wuxuu sheegay in aad danaha Umadda ku maqan tahay oo ay warbixin iyo talo kaa sugayaa, diyaar ma u tahay in aad talo iyo warbixin ku celiso Xukuumadda oo aad la kulanto?
J: Arrinta Somaliland u soo qabanay waa arrin aanu Bulshada si caam ah ugu bandhigayno, waa arrin aanu dalka iyo dadkaba u soo qabanay, wixii naga dhegaysanaya iyo wixii wax nala qabanaya tafaasiil in aanu siino diyaar baanu u nahay oo Xaflad wayn baanu u qabanaynaa shaacinteeda oo cid aanu odhanayno ciddaasi yaanay imanin ma jirto, cid waliba way iman kartaa oo ciddii danaynaysa arrimaha Somaliland ma Xukuumad ha noqoto ama cid kale ha noqotee diyaar baanu u nahay in aanu wax ku kordhino.
S: Dawladda Maraykanka ee aad la kulanteen dareen noocma ah bay ka qabaan baaqashada Doorashada, yayse u tirinayaan masuuliyaddeeda?
J: Hadda eedayn kama hadlayo oo imika ma jecli in aan cidna eedayn dusha ka saaro, taasi waa wax inoo gooni ah. Laakiin, waxaan kuu sheegayaa in Dawladda Maraykanku ay aad iyo aad u danaynayso mandaqaddan aynu ku nool nahay, geeddi-socodka Dimuqraadiyadda iyo in aanay mar kale Doorashadu dib u dhicin.
S: Isu-soo-baxan Dadweynaha ee aadka u ballaadhan ee lagugu soo dhawaynayay markay aragto, maadaama ay maantaba (shalay) xidhatay Jidka hormara Madaxtooyada, Xukuumaddu ma laga yaabaa inay carqaladayso Doorashada?
J: Dawladda waxaynu ugu baranay waynu ognahay, Doorashooyinkii intay dib u dhaceen aynu ogayn masuuliyaddeeda iyaga ayuun baa leh. Laakiin, sidii ballanka iyo Heshiisku ahaa ee dalalka iyo Caalamka ina taageera laysla wada gaadhay hadday ka baxayaan iyaga ayay jirtaa, balse waxaanu ku talo-galaynaa in Doorashadu waqtigeeda ku dhacdo, waynu sugaynaa. Guddida Doorashooyinka iyo Hay’adaha la shaqaynayaba waanu ku kalsoonahay, markaa dawladdu iyadu markii ay lumisay kalsoonidii Umadda, way isku dayaysaa sidii awalba dhaqanka u ahayd inay qaaddo tallaabo kasta oo waxyeellaynaya horumarka geedi-socodka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka, taasna umadda iyo caalamkuba wuu u soo jeedaa. Hase ahaatee, fili mayno ee waxaanu filaynaa oo aanu ku xisaabtamaynaa oo aanu ku talo-galaynaa in ay Doorasho xor iyo xalaal ahi ay ka dhacdo dalka.
S: Xoghayaha arrimaha dibedda Kulmiye wuxuu sheegay in aad Maraykanka ka wada hadasheen sidii Somaliland Mudanayaal u dhaqdhaqaaqa qaddiyaddeeda ugu yeelan lahayd Baarlamaanka dalkaas, arrintaa faahfaahi?
J: Waxyaabaha aanu wadno ayay ka mid tahay..waxaanu qabnaa in waxyaabahani ay ka mid yihiin waxyaabaha ay Dawladdeenu ka gaabisay, xitaa gobollada qaarkood sida Puntland oo kale waxay ku leedahay qaar (Mudanayaal) u shaqeeya oo ay ku kharash-garayso danaheeda oo u soo jeeda. Markaa way jirtaa.
S: Socdaalkaagani muxuu faa’iido u ahaa Somaliland iyo KULMIYE ee uu u sidaa?
J: Faa’iidada u soo korodhay waa guul wayn oo Xisbiga iyo Qarankaba u soo hoyatay, waanu ku faraxsanahay oo waa guul wayn.
S: Guddoomiye, Xukuumaddu waxay Guddoomiyaha guddi-hoosaadka Afrika u qaabilsan Baarlamaanka Maraykanka Donald Payne oo aad la kulanteen ay ku eedaysay in uu aaminsan yahay Soomaaliyweyn oo uu dalka ka horjeedo, idinkana uu Soomaaliweyn idinkala hadlayay, arrintaa sideed u aragtaa?
J: Donald Payne ciddii garanaysa ayaa garanaysee waa ninka qudha ee Koongareeska Maraykanka Somaliland yimi ee aad loo dhegaysto, waa ninka guddoomiyaha u ah dadka madow oo dhan ee Kongareeska u guddoomiyaha ah. Somaliland dhan kama aha oo anagaa soo wada hadalnay, cod iyo xumaan uu u hayaa ma jirto, waxaanan taa bedelkeeda odhan karaa waa nin taageersan Somaliland qaddiyadeeda iyo horumarkeeda, hormoodna ka ciyaaraya.
S: Guddoomiye, muddo badan baad siyaasadda ku soo jirtay, marka la eego taageerada ay dadweynuhu isugu soo baxeen soo-dhawayntaada, ma jirtaa taageero intaa le’eg oo aad Umadda ka heshay, maxaadse dareemaysaa?
J: Maanta waxaan dareemayaa farxad aad iyo aad u wayn, sidaad sheegtayna waxay soo-dhawayntaasi ka markhaati kacaysaa dareenka uu dadweynuhu qabo, taageerada uu Xisbiga u hayo iyo taageerada uu aniga ii hayo, aad iyo aadna waan u qiimaynayaa. Horeba waan ugu kalsoonaa in ay umaddaydu I taageersan tahay, halgan dheer baan u soo galay, taariikh badan baanu soo wada marnay, wax badan baa naga dhaxeeya. Berigii Madaxtooyada waad ogaydeen Doorashadii inta laygaga qaaday iyo siday ahaydba, markaa mar walba taageerada dadweynahayga kalsooni badan baan ku qabaa.
Khudbad Qadaafi jeediyay oo ruxday shirka Madaxeedka Qaaradda
“Waxaan naftayda xaal ka siiyay inaan sannad xilkaa adag u soo hayay Afrika”
Madaxweynaha Liibiya
“Soomaaliya waxay khatar ku tahay Caalamka”
Raysal-wasaaraha Spain
Addis Ababa 01, Feb.2010 (Ogaal)- Shir madaxdeeda hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika, ayaa shalay si rasmi ah uga furmay xarunta ururka midowga Afrika ee Addis Ababa.
Sida uu ku soo waramay Tifaftiraha Wargeyska Ogaal Cabdiweli Faarax Jaambiir oo shirkaas ka qaybgalay, guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Liibiya Col. Muamar Al-Qadaafi waxa uu shirka ku furay daqiiqad aamusnaan ah oo loo sameeyay diyaarad Itoobiya lahayd oo todobaadkii hore ku burburtay duleedka caasimada Lubnaan ee Beirut, ka dibna waxa uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha guud ee ururka midnimada Afrika Mr. Jean Ping oo khudbad dheer ka jeediyay kulankaas.
Mr. Ping waxa uu ka hadlay qodobo dhawr ah, wuxuuna sheegay inay samayn doonaan Maxkamad qaadi doonta dambiyada laga galo bani’aadamka, Jinsiyadaha kala duwan iyo xuquuqal-insaanka. Sidoo kale, waxa uu sheegay inay dhisi doonaan jidka Tareenadu maraan ee isku xidha dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.
Intaa ka dib, waxa lagu soo dhaweeyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon oo Afrikaanka ku booriyay inay dardar geliyaan, isla markaana hirgeliyaan doorashooyinka, si looga baxo khilaafaadyada Qaaradda ragaadiyay.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxa uu hoggaamiyeyaasha Afrika u soo jeediyay inay xooga saaraan in Ciidamo ku filan la geeyo Soomaliya, si loo tirtiro Argagixisada.
Ka dib waxa Mr. Qadaafi hadalka siiyay Raysal-wasaaraha Spain oo metelayay Midowga Yurub, isla markaana Midowga Afrika ugu deeqay 45 Milyan oo doolar. Raysal-wasaaraha Spain waxa uu ka hadlay qodobo dhawr ah oo uu tilmaamay in looga baahan yahay Afrikaanka, wuxuuna sheegay in Soomaaliya khatar ku tahay Caalamka.
Raysal-wasaaraha Spain ka dib, hoggaamiyaha Liibiya waxa uu hadalka ku soo dhaweeyay mid ka mid ah Boqoro dhawr ah oo uu horkacayay oo madasha la soo galay, kaasoo ka hadlay faraqa u dhexeeya siyaasadda Boqorrada uu Boqorka u yahay Madaxweyne Muamar Al-Qadaafi. Hase yeeshee, Mr. Qadaafi oo hadalka ku soo noqday, waxa uu hadalo kaftan ah ku tuuray Madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni oo uu sheegay inuu ka xumaaday in Boqorradu soo galaan madasha. Hoggaamiyaha Liibiya, Boqorka Boqorrada Afrika, guddoomiyihii hore ee Afrika Mr. Muamar Qadaafi, waxa uu sidoo kale dhigiisa Uganda kula kaftamay inay rejaynayaan inay Boqor ka dhigaan, taasoo ka qoslisay wufuuda shirkaa ka qaybgashay.
Intaa ka dib, inta badan Madaxweyneyaasha Afrika iyo wufuuda kale ee shirkaa ka qaybgalay, waxay u baxeen calan cusub oo loo sameeyay AU, kaasoo lagu bedelay calankii hore, waxaana calankii hore dejiyay, ka cusubna saaray Madaxweynaha Liibiya. “Waxaan ka qaybqaatay laba shir weyne oo Caalamka ah oo aan tegay, waxaanan ugu tegay Meles Zenawi (Raysal-wasaaraha Itoobiya), Madaxweynaha Angola iyo masuuliyiin kale oo Afrikaan ah, taasoo xataa igu abuurtay inaan Saxaafadda Caalamka u sheegi kari waayo cidda aan metelayo,” ayuu yidhi Madaxweynaha Liibiya oo halkaa ka jeediyay khudbad dheer oo uu xilkaa ku sagootiyay, taasoo uu kaga hadlay caqabado badan oo la soo dersay sannadkii uu xilkaa hayay. “Wax aan maanta (shalay) kugu wareejinayo (guddoomiyaha cusub, ahna Madaxweynaha Malaawi) garan maayo,” ayuu yidhi Mr. Qadaafi oo la hadlayay Madaxweynaha dalka Malawi Mr. Bingu wa Mutharika oo loo doortay guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika. “Hase yeeshee, aniga imika niyadaydu waxay aad ula haysaa in aan ahaado Boqorka Boqorrada Afrika, aniga ayaana naftayda xaal ka siiyay inaan xilkaa adag (guddoomiyenimada) u soo hayay qaaradda Afrika. Walaalkayga I bedelayow, waxaan kuu sheegayaa in aanan wax badan ka ogayn oo aanan anigu waxba kala socon go’aamo badan oo Afrika soo maray sannadkii aan xilka hayay, aniga masuuliyadaydu waxay iska ahayd uun inaan ahaado Askari difaacaya Afrika, laakiin haddaan ogaan lahaa inay sidan noqonayso maan qabteen xilka guddoomiyenimada Afrika. Hadda waxaan ku rejo waynahay inaan dalkayga Liibiya Madaxweyne u ahaado,” ayuu hoggaamiyaha Liibiya.
Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Malawi Bingu wa Mutharika oo hadal dheer ka jeediyay shirkaas, waxa uu ka hadlay siyaabaha Afrika u gaadhi karto dhaqaale furfuran iyo horumar.
Waxa uu ka hadlay in Afrikaanku dhexdooda isku xisaabtami karaan, isla markaana gaadhi karaan meelaha qaaraddaha kale ee dunidu gaadheen. Mr. Bingu wa Mutharika waxa uu sheegay in aqoonyahanadii, saynisyahanadii, Dhakhaatiirtii, Injineerada iyo dadkii aqoonta Afrika ehelka u ahaa oo dhami tageen qaaradda Yurub, isla markaana aanu Yurub ku horumarin oo keliya wax-wada-qabsiga dhexdooda.
Madaxweynaha Malawi waxa uu si dardar leh u qabsaday xilka guddoomiyenimada Afrika oo uu si tawaawac leh uu kaga degay Madaxweynaha Libya Muamar Al-Qadaafi. Iyadoo Madaxweynaha Liibiya ay u hirgashay inuu gebi ahaan bedelo calankii hore ee Midowga Afrika oo uu si wayn ugu ololeeyay sidii mid cusub loo samayn lahaa iyo inay noqoto Midowga dalalka Afrika (United States of Africa), halkii ay hore uga ahayd African Union (AU).
Shirkan oo saddex maalmood socon doonaa, waxa uu markii hore ku bilaabmay jewi degen. Hase yeeshee, waxa kululeeyay hadal la xidhiidha isku xidhnaan la’aan, habacsanaan iyo kala dambayn la’aan ka jirta qaaradda Cagaaran ee Afrika oo madasha ka jeediyay guddoomiyaha shalay xilka wareejiyay ee Col. Muamar Al-Qadaafi. Sidoo kale, waxa shirka sii ruxay waxqabad la’aan uu Mr. Qadaafi ku canaantay hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika.
“Axmed-Siilaanyo iyo Ninkaasi siday u wada qosleen Sirteedu way soo bixi doontaa”
Xoghayaha guud ee UDUB
Hargeysa 01, Feb.2010 (Ogaal)- Xoghayaha guud ee xisbiga talada dalka haya ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa naqdiyay guddoomiyaha guddi-hoosaadka Baarlamaanka Maraykanka u qaabilsan Afrika Mr. Donald Payne oo dhowaan kulan la yeeshay Guddoomiyaha KULMIYE.
Xoghayaha guud ee UDUB oo isagoo ku sugan Ceerigaabo u waramay idaacadda dawladda Raadyow Hargeysa, waxa uu su’aal geliyay natiijada wadahadal uu xusay inuu qosol ku dhamaaday oo dhawaan Washington ku dhexmaray Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Senator Donald Payne oo uu ku tilmaamay inuu ku dhaartay sidii uu u mijo-xaabin lahaa Somaliland. “Waxa igu maqaalo ah in saaka (shalay), uu garoonka Hargaysa ka soo degayo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mr. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo safar dheer ka soo noqday, safarada uu dibada ku tagay kan u dambeeyey ee uu Maraykanka ku tagay ayaad moodaa inuu u dhalaal badan yahay,” ayuu yidhi Jaamac Yaasiin Faarax. “Markaa dhawrka qodob ee aan socdaalkiisa ka tilmaami karaa waxa weeye; qosolkii wacnaa ee dhexmaray isaga iyo ninka Senate-ka ku jira Donald Payne, ninkaas oo ku caan baxay kuna dhaartay in wax alaala iyo wixii uu awood leeyahay aanu kala hadhin sidii uu u horjoogsan lahaa, una burburin lahaa himilada uu leeyahay dalka la yidhaahdo Somaliland - waxa weeyaan, wax hoos u yaala, laakiin sirtiisu soo bixi doonto in ninkii noocaas ahaa iyo Siilaanyo ay sidaas u wada qoslaan, isagoo Axmed-Siilaanyo u sharaxan hogaanka u sareeya dalka,” ayuu raaciyay.
Shir lagaga hadlayo qaddiyadda Somaliland oo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu kaga qayb-galayo Sweden
Hargeysa, 1 Feb, 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shalay dalka ka amba-baxay, una kicitimay dalka Sweden, ka dib markii sida la sheegay uu marti-qaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Baarlamaanka dalkaas.
Guddoomiyaha oo shalay ka duulay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa la sheegay in Guddoomiyaha Baarlmaanka Sweden Per Westerberg uu ku marti-qaaday socdaalkan, kaas oo uu la kulmi doono beri oo bisha February ay 2 tahay. Waxa kale oo uu isla beri Guddoomiyuhu la kulmi doonaa Guddida Dastuurka ee Baarlamaankaas.
Cabdiraxmaan-Cirro ayaa sida lagu sheegay Warsaxaafadeed laga soo saaray socdadalkiisan, waxa kale oo inta uu ku gudo jiro socdaalkan uu booqan doonaa Wasaaradda Arrimaha dibedda, halkaas oo uu kula kulmi doono Ergayga gaarka ah ee Wasaaraddaas u qaabilsan arrimaha Afrika Marika Fahlen. Sidoo kale, waxa uu Guuddoomiyuhu la kulmi doonaa guddiyo ka kala socda Axsaabta dalkaas iyo Guddi-hoosaadyada Baarlamaanka qaarkood.
Gebogebadii waxa la sheegay in uu Guddoomiyuhu halkaa kaga qayb gali doono kulan lagaga doodi doono arrimo la xidhiidha Dimuqraadiyadda Somaliland, kaas oo la sheegay in hal-ku-dheggeedu yahay, ‘Doorashada soo socota ee Somaliland iyo loollankeeda’. Waxaana la sheegay in kulankaa ay ka hadli doonaan Guddoomiye Cirro, Mudane Brigitta Ohlsson oo ah afhayeenka arrimaha dibedda ee Xisbiga Liberal-ka, Safiiradda Marika Fahlen oo ka socota Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkaas, Hay’adda Amnesty International iyo Ururo kale.
Kooxaha ka dagaalama Yemen oo diiday inay xabad-joojin la galaan Xukuumadda Sanca
Sanca 01, Feb..2010 (W.Wararka/Ogaal)- Hogaamiyaha kooxda Xawthiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen Cabdi Maalik Al-xawthi, ayaa sheegay in aanay xabad-joojin la gelaynin Xukuumadda Sanca.
Cabdimaalik Al-xawthi oo cajalad cod ah soosaaray, waxa uu sheegay in dawladda Yemen ka baxday xabad-joojin ay hore u gaadheen, isla markaana ka barbar waday weeraro toos ah oo ay la beegsanayaan fadhiisimada kooxda Xawtiyiinta ee dalkaas, gaar ahaan fadhiisimaha ay ku leeyihiin gobolka Sacda. Waxa uu sheegay in Xukuumadda Yemen doonayso sidii ay u dhabar-jebin lahayd ciidamada kooxdooda. “Shuruudo dhowr ah oo ay dawladda Sanca noo soo bandhigtay, waananu aqbalay. Laakiin, fulinta shuruudahaasi kama hirgalin dhinacii (Madaxweyne Saalax) soo bandhigay,” ayuu yidhi Mr. Cabdimaalik.
Dagaalyahanada Xawthiyiinta Yemen, waxay dhowaan xabad-joojin ula galeen dawladda Yemen, isla markaana waxay iskaga baxeen deegaano buuralay ah oo ay hore uga qabsadeen ciidamada Sacuudiga oo ay dagaal xoogan kula galeen xuduudda labada dal.
Dagaalka ay Xawthiyiintu kula jirto dawladda Cali Cabdallah Saalax, waxa inta la ogyahay ku barakacay 150,000 oo qof, tan iyo intii uu dagaalkaasi bilawday.
Diidmada xabad joojinta ee hogaamiyaha Xawthiyiintu ku dhawaaqay, waxa laga cabsi qabaa inay dhaliso dagaalo cusub oo dhiig badani ku daato.
AMISOM oo ehelkiisa ku wareejiyay wiil dhalinyaro ah oo ay hayeen
Muqdisho 01, Feb.2010 (W.Wararka/Ogaal)- Afhayeenka ciidanka AMISOM ee nabad-ilaalinta u jooga caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa shalay warbaahinta u soo bandhigay wiil dhalinyaro ah oo ay sheegeen inuu Al-Shabaab ka tirsanaa.
Afhayeenka AMISON Major Brighiye Buhuko oo wiilkaa yar soo bandhigay, waxa uu sheegay in wiilkan yar ay ku qabteen dagaal ay la galeen Al-Shabaab. "Ismaaciil Maxamed Ciise, waxaanu ku soo qabanay dagaal ka dhacay Muqdisho (Oct 18, 2009) wuxuuna qabay dhaawac, halkan baananu ku dawaynay," ayuu yidhi Afhayeenku. "Runtii, Ismaaciil waa wiil aad u nasiib badan, waayo wuxuu ka soo hadhay isagoo dhaawac halis ah qaba saaxiibadii oo ku dhintay dagaalka, taasna waxaan odhan karaa waa nasiib aad u wanaagsan," ayuu raaciyay.
“Hindisaha caynkan ahi waa hawlahayaga, waxayna qayb ka tahay qorshaha nabadeed ee aanu Soomaaliya u joogno,” ayuu yidhi Maj. Bahuko.
Hase yeeshee, wiilkaa yar ee ay ciidanka AMISOM soo bandhigeen, waxa uu diiday inuu warbaahinta uga waramo halka laga soo qabtay, inuu ka tirsanaa Al-Shabaab iyo inkale. "Ma doonayo inaan ka hadlo arintaa,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, mar Afhayeenka la waydiiyay duqaymaha ay la beegsadaan goobaha shacabku degen yihiin, waxa uu sheegay inay talaabadaasi sii socon doonto ilaa inta sida uu tilmaamay laga joojinayo weeraro uu xusay in lagu hayo. “Taasina waa mid sii socon doonta ilaa laga joojinayo weerarada nalagaga soo qaadayo shacabka dhexdiisa,” ayuu yidhi.
|