| Xaflad Qurbajooga Awdal ee UK soo qabanqaabiyeen iyo Dr.Maxamed Rashiid oo ka qaybgalay. |
|
|
|
| Monday, 01 February 2010 | |
|
oo ay soo qabanqaabiyeen, bulshaweynta Reer Awdal ee degan Uk ee taageeraa Xisbiga UCID iyo Madaxda sarsare oo ka tirsan Xisbiga UCID UK . Waxa xaflada lagu soo dhaweynaayey Murashaxa Madaxweynaha ku xigeenka Xisbiga UCID Dr. Mohamed Rashid Sheikh Hassan oo hada wadanka Ingriiska u jooga howl shaqo ah.Waxa hadalka dadka kusoo dhaweynayey Siciid Cumar Ahmed oo ah Gudoomiyaha Yurub ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Somaliland (UCID) Waxa uu Mr Siciid Cumar kusoo dhaweyey Gudoomiyaha London ee UCID Ibrahim Maxamed Ahmed (Ibrahim Rashiid ) oo warbixin dheer kasoo jeediyey ku saabsan Gobolka Awdal oo uu sheegay in uu waxbarashadiisii kusoo qaatey isagoo aadna ugu dheeraday muhiimada ay jamacada CAMUUD u leedahay Somaliland iyo dhamaan gobolka Awdal. Waxa intaas ka dib isaguna hadal qiimo badan kasoo jeediyey Maxamed Ibrahim oo ah xoghayaha Arimaha Gudaha iyo xidhiidhka Gobolada ee yurub oo aad uga waramay waxyaalo fara badan oo ku saabsan diiwaangelinta isagoo kadhawaajiyey in natiijada kasoo baxda la wada aqbalo isagoo sheegay in hadii doorashadu ay u dhacdo sidii loogu talo galay ay horseedi doonto horumar iyo ictiraaf. Intaas ka dib waxa dadkii madasha ka hadlay ka mid ahaa Eng C/lahi Xasan Camey oo ah Xoghayaha Uk , Farduus Hameshwell oo ah Gudoomiyaha Garabka haweenka Bari ,Abni Maxamed Cali ,Casha Mareykan oo ah Gudooomiyaha Garabka haweenka Yurub, Xasan Ahmed Cunaaye oo isna ah Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada. Waxa ayaana halka ka hadlay madax sare oo ka mid ah dadka Gobolka Awdal ka soo jeeda ee xisbiga UCID taageera oo ay ka mid ahaayeen Abdirahman Barkhad, Abdulqaadir Sheikh Muse, oo isgu sheegay in tageero aad u badan UK leeyahay Xisbiga UCID Qorbajooga Reer Awdal iyo Gudahaba, arintana aan sii xoojin doono mar walba, iyo yedhe, waxa kale u raaciyay inney caawaba dad aad u badan oo gobalka awdal ka soo jeeda ku soo biireen Xisbiga UCID. Intaas ka dib waxa madasha lagu soo dhaweyey inuu ka hadlo Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID DR Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo dadkii markaliya uwada garaaceen sacabka aad na ay uga muuqatey wajigiisa farxad weyn.
Dr maxamed Rashiid waxa uu mahadnaq weyn usoo jeediyey dadkii soo abaabulay xafladan quruxda badan isagoo intaa ka dibna halka ka soo jeediyay khubad dheer oo xiisa leh oo u kaga hadlay, geedi socodka dimoqaraadiyada Somaliland, nabada, nolasha Qorba jooga, iyo dhowrka ay qorba jog ku leyihiin wadanka . Waxa kale u si qoto dheer uga hadlay barnaamajka Xisbiga UCID, uu ka hirgalindoona wadanka hadii u doorasha ku guulaystaan ,
Hamse Ahmed Salaan London
|
| Home |
| News |
| Somali Music |
| Articles |
| Contact Us |
Abdillahi Yusuf’s Team are Scraped
Bayaan ku socda Beesha Qorulugud.
BIYO MA HELLO CODNA WAY NAGA DOONAYAAN.
Booqashada Rayale ee Togdheer Maxay Daaran tahay.
MA XUUKUMADA BIYO LA"AANT HARGAYSA..
Su,aal ku Socota Reer Togdheer.
Geele, Riyaale and view Issaq Brokers!
Ciin ayay daaqdaye aan doonto dariiq kale
MUXUU U DHINTAY WIIL-KAYGII LIXLE?
Bukaasa iyo Mabuuto midkoodna waxaba namay yeliin.
Hargeysaay: Waxaad Hooy U Tahay
Sababta Jabuuti Uga Soo Horjeedo Madaxbanaanida Somaliland
Somaliland A letter to H.E President Jacob Zuma
Siilaanyo Hadhaagii calan-casta maxaa kala haysta !!!!
Doolow Waxaad Kudafirayso Guddomiyaha Jaliyada Norway..