Home
“Sababtii madaxtooyada la iiga celiyey waxay ahayd khalad dhinaca farsamada ah oo ka yimi qoladii am PDF Print E-mail
Monday, 01 February 2010

Hargeysa (Togdhnews)- Afhayeenka xisbiga talada haya ee UDUB Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa si rasmi ah u qiray in taageerada iyo xamaasadii layaabka lahayd

 ee shalay lagu soo dhaweeyey Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay ka dhalatay hadalkii dhawaan ka soo yeedhay wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibedda Somaliland ee ahaa in aan dalka loo ogolaan ilaa inta uu cafis weydiisanayo xukuumadda.

Sidaana waxa uu Muj. Cali Guray ku sheegay waraysi khaas ah oo uu xalay khadka telefoonka ku siiyey Jamhuuriya,kaasi oo uu kaga hadlay soo dhaweyntii loo sameeyey guddoomiyaha KULMIYE, tallaabadii maalintii Sabtida lagaga hor joogsaday inuu fooda geliyo xarrunta madaxtooyadda iyo sida uu u arko hadalkii ka soo yeedhay wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibedda Somaliland ee ka dhanka ahaa Axmed-siilaanyo.


Afhayeenka xisbiga UDUB Muj. Cali Guray oo ugu horayn ka hadlay soo dhaweyntii shalay loo sameeyey guddoomiyaha KULMIYE , waxa uu yidhi; “Waxaa muuqatay in xamaasad dheeraad ahi ku jirtay soo dhawayntii Axmed-siilaanyo¸ taasi oo ka dhalatay hadalkii ka soo yeedhay wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibedda Somaliland ee ahaa Guddoomiyaha KULMIYE yaan loo ogolaan ilaa iyo inta uu cafis weydiisanayo shacabka, aniga laftayduna maalinti uu wasiir-ku-xigeenku hadalkaa yidhi; waxaan u sheegay rag ka mid ah masuuliyiinta UDUB in Siilaanyo shil mooyaane dalka ku soo noqondoono oo wuu ka soo degi doonaa madaarka Hargeysa,  hadalka wasiirkuna waxa uu keeni doonaa soo dhaweyn ka xamaasad ka badan intii hore oo dadku waa iska wada ficil miidhan, markaa dad badan oo iska caadi ah oo markii hore aan soo dhaweynta ka qayb galeen ayey imika soo jiidan doontaa.

Markaa waxaan leeyahay taageeradii badnayd, soo dhaweyntii iyo xamaasadii Guddoomiyaha KULMIYE waxa u sabab ahaa hadalkii wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibedda ee ahaa Siilaanyo dalka yaanu soo gelin ilaa uu cafis weydiisto.”


Waxa kale oo aanu weydiinay afhayeenka UDUB su’aal ahayd  sida uu shakhsi ahaan u arko  hadalka ka  soo yeedhay wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibedda ee uu Axmed-siilaanyo wax kaga sheegayey iyo in arrintaasi dhaawac weyn u gaysatay taageeradii xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB, waxa uu ku ku jawaabay’ “Horta fadaraal ayuu Axmed Siilanyo wadaa waa sheeko u baahan xaqiijimo, laakiin qodobka an meesha sooba geli karin waxa weeye go’aanka ahaa kama soo degi karo madaarka Hargeysa, taa waxaan u arkayaa inay ahayd khalad wasiir-ku-xigeenku ku kacay, isla markiibana xukuumaddu way ka jawaabtay oo wasiirka arrimaha dibedda ayaa sheegay in go’aankaasi aanu ahayn mid ka soo baxay dhinaca xukuumadda, cidii ka hadasha ee hadalka wasiir-ku-xigeenka faa’iido ka dhex baadha anigu ma diidani; laakiin hadii uu warku mar kaa soo baxo bulshadda saamayn wuu ku yeelanayaa, balse waxaynu ognahay in wixii ku soo koobmay khalad qof leeyahay oo  xukuumaddu aanay la qabin.

 Axmed Siilaanyana waa nin weyn oo soo halgamay oo ixtiraamkiisa mudan, sidii wasiirka arrimaha dibeddu sheegayna anigu mar walba waxaan qabaa inuu yahay qof mudan in la ixtiraamo oo u qalma.”

Afhayeenka UDUB oo ka jawaabayey su’aal ahayd ‘Dadku waxay isweydiinayaan tallow wasiirka arrimaha dibedda iyo wasiir-ku-xigeenka labadooda midkee ayay xukuumaddu la socotaa, ilaa imikana madaxweynuhu wax tallaabo ah kamuu qaadin wasiir-ku-xigeenkiisa, raligelin buuxdana lagama bixin, arrintaa ka waran?”, waxa uu yidhi; “ra’yiga uu madaxweynuhu arrintaa ka qabo iyo in go’aankaasi aanu ahayn mid ka soo baxay xukuumadda waxa ka turjumay wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ka madaxweynuhuna ka uu qabaa waa kaa.”


Afhayeenka UDUB oo aanu weydiinay sida uu arko tallaabadii maalintii Sabtida lagaga horjoogsaday madaxtooyadda ee warbaahintu soo bandhigtay iyo go’aanka uu arrintaa ka qaatay, waxa kuu ku jawaabay; “Horta anigu saxaafadda xidhiidh lamaan yeelan haday Joornaalada tahay iyo haday mid kale tahayba sababtii madaxtooyadda la iiga celiyeyna waxay ahayd khalad dhinaca farsamada ah oo ka yimi qoladii amniga ee kadinka joogay iyo madaxtoodii oo aan isla socon, markaa arrintaa ma jecli inaan imika wax tafaasiil ah oo intaa ka badan ka bixiyo, laakiin waxaan qabaa inay tahay wax la maarayn karayo oo la sixi karayo wixii dhacayba, go’aankaygii aan UDUB ku galayna waa sidiisii, wixii tabashooyin ah ee jirana weli waxaan ku dadaalayaa in aanu isfahamo dhinacyo badan ah helno.”

Muj. Cali Guray oo la weydiiyey in markii arrintani dhacday masuuliyiinta UDUB iyo madaxtooyado wax xidhiidh ah la soo sameeyeen oo raaligeli gelin laga bixiyey, waxa uu yidhi; “Raaligelin waa la isiiyey oo markiiba waa la ila soo xidhiidhay, laakiin arrintaasi maaha mid aan doonayo inaan tafaasiisheeda siiyo warbaahinta

Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo aanu weydiinay sida uu u arko is casilaadii guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Guurtida, waxa uu ku jawaabay; “Sheekh Axmed ilaa 20 sanno waxa uu ahaa guddoomiye-ku-xigeenka Guurtida, hasayeeshee iscasilaadiisa waxaan qabaa inay sabab u tahay khialafka Guurtida oo xalkiisii la waayey, waxaanan u arkaa in Saleeaban-gaal uu doonayo inuu Golaha ku hoggaamiyo tallada inta tirada yar oo uu ka soo horjeedo talada inta badan mudanayaasha Golaha, faragelinana ay jiri karaan, haddii ay tirada badan ee aqlabiyadda guluhu far dhaqaajiyana la odhanayo waa la dhaqdhaqaajiyey, iyada oo laga yaabo in faragelintu dhinacyo badan ka iman karto muxaafid iyo mucaaridba. Markaa waxaan hadda arkaa in saddex arrimood horyaalaan Saleeaban, mid waxa weeye inuu golaha ku hoggaamiyo tallada inta tirada badan mudanayaasha oo inta tirada yarina u hogaansanto wax inta badan guluhu gooyo ee ay isla ogolaadaan, qodobka kale waxa weeye in Saleeaban ku qanco in aanu haysan kalsoonidii xubnaha Guurtida intooda badan, sidaa daraadeedna uu isagu sida Sheekh Axmed isk casilo iyo inuu codka kalsoonida weydiisto golaha. Saddexdaas qodob ayaa guddoomiyaha Guurtida la gudboon inuu mid qaado, haddii kale golihii isku iman kari mayo, Sheekh Axmed-na wax kale oo u furan oo aan ahayn iscasilaado ma jirto, markaka Saleebaan-gaal ayuu xilku saaran yahay si uu xal ugu helo arrinta golaha inuu dhegaysto mudanayaasha intooda badan,” ayuu yidhi Muj. Cali-guray.


Jamhuuriya.

 

Kaah Property

Sidee looga Xusay Magaaladda Burco Xuska maalinta Wax Akhris la'aanta iyo Wax Qoris la'aanta